Mukhtaar Roobow oo fariin soo saaray, kadib weerarkii Shabaab ee hoteel Xayaat

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Sheekh Muqtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur) oo la hadlayey warbaahinta isaga oo ay garab fadhiyaan qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii xooganaa ee ay Al-Shabaab ku qaaday hoteelka Xayaat.

Mukhtaar Roobow ayaa shaaca ka qaaday in wax laga xumaado ay tahay weerarada ay Al-Shabaab ka geysanayaan guud ahaan dalka, isagoo tilmaamay in aysan aheyn wax diin ah.

Wasiirka ayaa ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna hoosta ka xariiqay in qof walba laga doonayo inuu difaacdo naftiisa iyo malkiisa.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dhalinyarada weli ka barbar dagaalameysa kooxda Al-Shabaab oo uu tilmaamay in la soo qalday, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan leeyahay, Dhallinyarada Shabaabka ah, kuwa aan aqaan ee idin soo qalday, ilmahooda Iskuulo iyo Jaamacado ayey Xamar ka dhigtaan ama aduunka kale nolol fiicana waa ku jiraan, yeysan been idin sheegin,”ayuu yiri Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in si wadajir ah oo loola dagaalamo Al-Shabaab kaliya looga gudbi karo dhibaatada ay ku hayaan dadka iyo dalka Soomaaliya.

“Sida uu sheegay madaxweynaha dalka Soomaaliyoo heshiis ah oo mideysan, aduunka kalena heshiis la ah, kaas haddii la qaato oo dadku midoobaan nimaankaan waxba uma suuroobi karaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Sheekh Muqtaar Rooboow (Abuu Mansuur).

Hadalka ka soo yeeray Sheekh Roobow oo haatan ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, ayada oo weerarkii ugu waqtiga dheeraa abid ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday dhismaha hoteelka Xayaat, kaas oo socday wax ka badan 24 saac oo xiriir ah.

Sikastaba, Sheekh Muqtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur) ayaa horey uga mid ahaa hoggaanka sare ee Al-Shabaab, balse wuxuu 2017 isku soo dhiibay dowladda Somalia, isaga oo kadib ku biiray siyaasadda, walow Muqdisho uu ku xirnaa ku dhowaad 3 sanno.