Muna Sharmaan oo war ka soo saartay geerida Saalixi

Muqdisho (Caasimada Online) – Muna Sharmaan oo ka mid aheyd qareenadii ugu horeeyey ee difaacay badda Soomaaliya ee Kenya nagu heysato ayaa war ka soo saartay geerida Allaha u naxariistee Maxamed Cumar Saalixi oo isna ahaa qareen aad loogu amaanay kaalintii uu ka qaatay difaaca badda Soomaaliya.

Muna Sharmaan waxay aheyd qofka kaliya ee Soomaali ah oo ku jiray qareenadii soo bilaabay difaaca badda Soomaaliya sanadkii 2014-kii, waxaana aad loogu amaanay doorkii ay ka qaadatay soo dhicinta badda Soomaaliya, intii ay ku jirtay howshaas.

“Waxaa tacsida la wadaagayaa qoyska uu ka baxay walaalkay iyo saaxiibkeey Maxamed Cumar Saalixi oo geeriyooday 2dii Sebteembar 2021. Maxamed wuxuu ahaa nin haldoor ah oo ay xirfaddiisu sarreyso kaasoo si hagar la’aan ah ugu shaqeeyay qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed isagoo  difaacaya qadiyadda Baddda ee nagala dhaxayso Kenya,” ayey Muna Sharmaan ku tiri qoraal ay soo saartay.

Qoraalka Muna ayaa intaas ku sii daray, “Wuxuu ahaa qof mar walba daggan, maskaxda shiila, dhiirran, geesinnimo ay ka muuqato oo hufnaan iyo dhawrsanaan ku sifoobay. Maanta waxaa shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa tiiraanyada iyo tacsida walaalkeen Saalixi oo ahaa waddani dhab ah iyo shakhsi leh tilmaamo suubban. Alle ha siiyo naxariistiisa janno, xaaskiisa iyo carruurtiisana quluubta ha u qaboojiyo.”

Allaha u naxariistee Maxamed Cumar Saalixi ayaa maanta meydkiisa salaadda Janaasada lagula dukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka, iyadoo galabta lagu aasay Qabuuraha Sheekh Cali Suufi ee Degmada Warta Nabadda.