Muungaab oo ku hanjabay is-casilaad kadib markii uu aqbali waayey in DFS…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa daboolka ka qaaday inuu is Casili doono haddii aan Caqabadaha Maamulka Gobolka ka heysta Wasaarada Maaliyada laga dulqaadin.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu si caro leh u shaaciyay in Wasaarada Maaliyada  Xukuumadda Soomaaliya ay is hortaageyso bixinta Xuquuqda dhaqaale oo uu Maamulka Gobolka ku leeyahay saamiga kasoo xaroodo dekada Magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay 15% laga siin jiray dhaqaalaha kasoo xarooda dekada, balse ay iminka la yihiin in muddo ah.

Mungaab ayaa waxa uu intaa kusii daray in dhaqaalahaasi aan ka maamul ahaan la siin muddooyinkaan dambe, waxa uuna Cadeeyay in Arrintaasi ay ka turjumeyso qaabka ay Wasaaradu u adeegsaneyso dhaqaalaha dalka.

”Waan la socnaa in wasaarada Maaliyada ay  koontaroolo dhigatay meelaha laga baxo iyo meelaha laga soo galo Magaalada Muqdisho, halkaasi ay ku qaado dhaqaalo canshuuro ah oo gaadiidka laga qaado, lacagtaasina waxa ay si toos ah ugu dhacdaa gacanta Wasaarada Maaliyada”.

Dhanka kale, waxa uu Xukuumada Somalia iyo wasaarada ugu baaqay inay wax ka bedesho howlaha dhaqaalaha Gobolka, haddii arinkaasi la waayana uu Is casili doono.

Waxa uu ku goodiyay hadii mudd afar Bilood gudahooda Wasaarada Maaliyada aysan wax uga bedelin arintaan uu ku dhaqaaqaayo tallaabo ah inuu xilka iska casilaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com