MUQDISHO: Col ku dhac, tuugana kuu ciidamisay!

1993 Ciidamadii dawlada Canada geysey Beledweyne (Canadian Airborne Regiment) waxaa ay dhabarka ka toogteen laba nin oo Soomaali ah oo wax hub ah aan wadan. Waxaa kale oo ay silic iyo si fool xun u dileen wiil 16 jir ah oo Soomaaliyeed Shidane Abukar Arone asaga oo baadi goobayey ilmo reerka ka lumay oo ay sidaas ku qabteen ciidamada Canadian ka. Waxaa ciidamadii Canada ee Canadian Airborne Regiment qariyeen dhamaan xadgudubkii ay u geysteen shacabka aan hubeysneyn ee reer Balaweyne.

Dhacadadaas markii laga war helay, raysul wasaarihii dalka Canada Jean Chrétien wuxuu dhamaan kala diray ciidamadii Canadian Airborne Regiment oo gaarayey ilaa 2000 oo askari. General John de Chastelain oo ahaa Taliyaha Ciidamada Dalka Canada shaqadii waa laga cayrshay, ninkii badalay Air Force General Jean Boyle asagana shaqadii waa laga caryshay dhawr bilood kadib. Dhaqaalihii la siin jirey ciidamada dalka Canada waxaa laga goostay boqolkiiba 25. 

General Odowaa wuxuu ahaa markaas 6 sano jir oo dhacdadaas inuusan xasuusan ayaan u malaynayaa laakiin General Xijaar si fiican ayuu ula socdaa waayo waa ka da weynyahay General Odowaa wuxuuna ka yimid dhanka military ga oo asagu police maahayn markiisii hore.

Sheekadaan iskama aanan keenin ee waxaa jirta sabab igu kalifeysa in aan soo qaato. Sababta waxaa weeye ciidamada booliiska ka iyo ciidamada milatariga Soomaaliya waxaa ku jiro tiro yar oo ugu dhex jira ciidamada iyo booliiska in ay wax dhacaan oo kaliya kuna adeegtaan hubka, labiska iyo magaca booliiska iyo ciidamada.

Waxaa hubanti ah in booliiskaan iyo ciidamada milatariga xun ee ku dhafan kuwa wanaagsan in aysan sheegeyn ciidamada iyo booliiska wanaagsan waayo haddii ay taasi jirto mar hore ayay sheegi lahaayeen. 

Hadaba ciidamada xumaa ee Canada ciidamadeeda ku jirey waxaa ay noqdeen 2 nin markii si fiican loo baaray laakiin maxaa la ruqseeyey 2000 oo nin hal subax oo weliba ah ciidamadii ugu tababarka adkaa uguna fiicnaa ciidamada dalka Canada? Sababtu waxaa weeye, waxay qariyeen labadii xumaa markaas ayaa 2000 kun lagu xukumay in ay ayaguna xunyihiin. Sidaas daraadeed si loo samata bixiyo sumcada ciidamada Canada waxaa muhiim loo arkay in laga takhaluso wixii xumaaday oo dhan.

Hadaba waxaa la gudboon labadaan taliye ee General Xijaar iyo General Odowaa in ay sameeyaan sidii ay sameeyeen raysul wasaarihii Canada iyo raysul wasaarihii difaaca David Collenette ee markaas jirey oo ay yiraahdaan Degmadii ama xeradii ciidan ee nin booliis ah oo katirsan lagu helo inuu yahay tuug, ama hubkiisa loo isticmaalay tuugnimo, ama sahlay arin tuugnimo in xeradaas oo dhan macaa taliyahooda la ruqseeyo. Haddii kale sheegi maayaan mana la dagaalamayaan tuugnimo. Sumcadii booliiska iyo ciidamada Soomaaliyeedna waa ku baa’ba’aysaa.

Ciidamada mushaar fiican ayaa la siiyaa, waxaa la helayaa arday nadiif ah oo Jaamacado ka soo qalin jabiyey, salaada tukada, garanaya binuu aadminimada maxaa kalifay in niman la yiraahdo guntiyo uus oo qaadka cunaaya, calaqooda cabaaya, kaniini iyo daroogo ku daraaya, dumarka kufsanaaya, habeenkiina bastooladiisa ka ijaaraya tuugada iyo ciyaala suuqa uu mushaar kaa qaato., kadibna shacabkii dhaco oo sumacadii booliiska iyo milatariga halkaas lagu ciyaaro? Sidee amaan ka magaalada loogu aaminayaa askar iyo booliis noocaas ay ku dhex jiraan? 

Mida kale, waa maxay ciidamadaan askarigii oo labisan oo mid walba isagoo qorigiisa wata uu gurigiisa u jiiftagaayo, subixiina kasoo kalahaayo? Mooto bajaajkii ayey kula raacaan, waa kula lugeynayaan. Sidee ku kala garaneysaa kii xalay dadka soo dhacay iyo kii aan dadka dhicin? Waxaa intaas sii dheer qaar ka mid ah ayaa bistooladahoodii ka ijaaraaya ilmo yaryar oo ay la kala goostaan wixii ay soo dhacaan. Xataa xabada ay ridaana askarigii ka soo ijaaray wuxuu rabaa lacag ama qof haku dhinto ama yuusan ku dhiman.

Waxaad maqleysaa dad badan oo ku oranayaa ciidamada marada ha ka wasaqeyn ayagoo dhan ma xumee! Waa run taasi laakiin adiga ma ii kala sheegi kartaa kooda xun iyo kooda fiican? Maanta lama kala saari karo kooda xun iyo kooda fiican ayadoo la wada ogsoonyahay in ay badanyihiin kuwooda fiican. Mar haddii shacabkii magacoooda lagu dhacaayo, ayna ku fashilmeen in ay iska nadiifiyaan kooda xun waxaa ay dhamaan ku xukumanyihiin askar wada xun.

Waxaan u aaneynayaa fashilkaan baahsan ee ku dhacay booliiska iyo ciidamada militariga maamul xumo baahsan iyo caajisnimo ku dhacday hogaanka ugu sareeya ciidamada iyo booliska Soomaaliyeed. 

War heedhaha General Xijaar, General Odawaayow, Mahad Salaad, Cumar Filish sidaan isku dhaama oo dadka aad masuuliyada u dhiibteen degmooyinka, saldhigyada booliiska, xeryaha military iyo unugyada ciidamada la xisaabtama. Habacsanaan iyo walaalow maamul kuma shaqeeyo ee wuxuu ku shaqeeya isla xisaabtan iyo in aad ka cayriso shaqada dadka shaqadooda gabay ee hortooda shacabka lagu dhacaayo. 

Muxuu ka yahay taliye saldhig booliis haddii xaafadii amaankeeda lagu aaminay habeen walba guryihii loo dhacaayo, casarkii hablaha moobiilada laga dafaayo, hadaad Salaada subax soo tuko is tiraahdo toorey laguula soo baxaayo?

Jeneraalada waxaan leeyahay dib isugu noqda. Idinka waa la idin ilaaliyaa, guryihiina iyo naftiina marka ma dareemi kartaan amaan darada shacabka hayasata, laakiin muhiim maahan in aad dareentaan ee waxaa muhiim ah in aad wax ka qabataan amaan darada jirta ee aad masuuliyadeeda leedihiin. Waa in ninka ragga ah ee masuulka ah uu maareeyaa dhibaato kasta oo shacabkiisa la soo darista.

W/Q: Ali Osman
ccusmaan@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.