Muqdisho:- Labo wiil iyo aabahood oo guri lagala baxay iyo Alfa Group oo..

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowlada Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada AMISOM ayaa saaka iyo xalay saqdii dhexe waxay howlgalo ka sameynayeen xaafadaha dhanka Tookiyo iyo Shanta Geed ee degmada Howlwadaag.

Howlgalka oo ahaa mid u muuqday mid qorsheysan ayaa ciidamada Nabad Sugida iyo ciidamada loo yaqaan Alfa Group waxay u dhaceen xaafado ku yaala agagaarka xarunta degmada, halkaasi oo dad ay kala baxeen.

Abaaro 02:30 Am xiliga Muqdisho ciidamada AMISOM iyo ciidamada sida gaarka u tababaran waxaa la sheegay u dhaceen guri ku yaala degmada iyadoo ay kala baxeen labo wiil iyo aabahood.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale guryaha kala soo baxayay dad dhalinyaro u badan kuwaasi oo la sheegay inay isugu geynayeen isgoyska sayid iyo inta u dhaxeysa Shanta Geed.

Inkastoo saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa booliska Soomaaliya wali aysan ka hadlin arina howlgalka ayaa haddana waxaa la arkayay ciidamada AMISOM gaadiidkooda uu lagu gooyay wadooyinka xaafada shanta Geed.

Ciidamada AMISOM ayaa inta badan waxay gacan ka keystaan howlgalada ciidamada dowlada Soomaaliya ay ka geysanayaan degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com