Muqdisho oo hubka aad loo iibsanayo islamarkaana uu cirka iska shareeray

Sare u ballaaran, ayaa waxa uu toddobaadkaan ku yimid qiimaha la kala siisto hubka, ee suuqyada qarsoon ee Magaalada Muqdisho, xilli xiisad beeleed ka oogan tahay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Suuqyada sida dhuumaaleysiga leh hubka loogu kala iibsado, ayaa waxaa si weyn looga iibsanayaa qoriga AK47, dhuumaha suuga, dhashiikaha, shilkaha iyo noocyada kale ee hubka.

Qoriga AK47, ayaa waxa uu qiimihiisa uu xilligaan Magaalada Muqdisho ka jooggaa in ka badan kun dollarka Mareykanka ah ($1,000), iyadoo toddobaadkii hore lagu kala iibsanaayay qiimo u dhaxeeyo 500 ilaa 600 oo dollarka Mareykanka ah.

Rasaasta qoriga AK47, ayaa waxay xilligaan Magaalada Muqdisho ka mareysaa in ka badan laba dollar, iyadoo toddobaad ka hor la kala siisanaayay nus dollar.

Wixii ka dambeeyay Sabtidii, ayaa si xowli leh hubka loogu kala iibsanaayay suuqyada aan Sharciga ahayn ee hubka lagu kala iibsado ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ay is hubeynayaan beeluhu.

Isbedelka ku yimid qiimaha hubka ee suuqyada madow, ayaa waxaa lala xiriirinayaa dagaal beeleedyada labada toddobaad ka hor ka soo cusboonaaday Gobolka Shabeellaha Hoose.

Beeluhu waxay u muuqdaan kuwo aan kalsooni badan ku qabin Dowladda Federalka ee Somaliya, markii ay ka gaabisay wax ka qabashada dagaalada uu dhiigga badani ku daatay ee weli Shabeellaha Hoose ka taagan.

Dowladda Soomaaliya oo laga doonaayay inay si sax ah ugu kala dab qaado shacabkeeda, ayaa waxaa lagu dhaliilayaa inay indhaha ka qabsatay waxa uu ku bilowday dagaalada, kuna soo baraarugtay uun qabsashadii Magaalada Marka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com