MUQDISHO oo maanta lagu afduubtay ASKAR ilaalo u ahayd guddoomiye

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha waaxda Afraad ee deegaanka Garasbaaley ee Muqdisho, Maxamuud Xaashi Cali ayaa shaaca ka qaaday in qaar kamid ah ilaaladiisa lagu afduubtay deegaankaasi.

Guddoomiyaha oo u waramayey warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in labo askeri oo kamid ah ilaaladiisa ay afduubteen rag hubeysan, xili ay ku sugnaayeen meel u dhow xerada Asluubta ee waaxda Afaraad ee Garasbaaley.

Maxamuud Xaashi ayaa xusay in ragaasi ay wateen Gaari nooca raaxada ah, isla markaana ay xoog ku afduubteen labadaasi askeri ee ka tirsan ilaaladiisa, oo mid kamid ah uusan hubeysneyn.

Mar wax laga weydiiyay inay jirto cid uu ku tuhmayo falkaasi ayaa waxa uu yiri “Majirto cid aan dhihi karo iyaga ka dambeeyay, laamaha amniga ayaa baaris ku wada”.

“Niman baabuur watay oo dabley ah ayaa afduubtay. labada wiil ee ilaaladeyda kamid ahna midkood unba watay hub, wax shaqo oo ay hayeena majirin, aniga markaa shaqeynayo unbey ila shaqeeyan” ayuu sidoo kale yiri guddoomiyuhu.

Si dhab ah uma cada in afduubkan uu dabada ku hayo arrimo maamul, inkasta oo uu ka gedisan yahay afduubyadii hore uga dhici jiray dalka sanadihii ugu dambeeyay, kuwaasi oo dableydu ku qafaalan jirtay dad aan hubeysneyn, iyaga oo lacag madax furasho ah uga qaadan jiray.

Hoos ka dhageyso codka guddoomiyaha