Muqdisho: Saldhig dhaxdiisa oo qof lagu dilay iyo dilal kale oo magaalada ka dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay isku dhacyo dhaxmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ka dhacay degmada Boondheere ee gobalka Banaadir.

Dadka dhintay ayaa kala ahaa Gabar iyo Wiil oo ka kala tirsan Booliska iyo Milateriga, kuwaas oo ku dhaawacmay is-rasaaseyn ku dhaxmartay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon waxayna u dhinteen dhaawicii soo gaaray.

Qofka saddexaad oo ahaa askari boolis ayaa asna u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaas ay ciidamo kale ku fureen, waxaana lagu magacaabaa Cabduqaadir Maxamuud Xaaji, sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan qaraabadiisa.

Marxuumkaan ayaa lagu dhax dilay Saldhigga laan ka tirsan degmada Hodan, waxaana la sheegay inuu baxsaday askarigii dilka geestay.

Askariga Milateriga ah ee qeybta ka ah dadka maanta dhintay waxaa la sheegay iney walaalo yihiin qofkii shacabka ahaa ee xalay lagu dilay degmada Boondheere ee gobalka Banaadir, marxuumkaas oo lala dilay haweeney Umul aheyd.

Dhamaan dadkaan oo markii hore dhaawac ahaan loo qaaday ayaa la sheegay in ay u dhinteen dhaawacyadii soo gaaray, sida ay noo sheegeen ilo wareedyo muhiim ah.

Booliska Soomaaliya ayaa wali wada cadaadiska shacabka iyo isku dhacyada dhaxdooda ah, waxayna magaalada ku jirtaa jawi cabsi ah.

Taliyaha booliska Soomaaliya Jeneral Cabdi Xasan Xijaar ayaa galabta ku dhawaaqay in dib halkiisii loogu celiyay Bandowga, oo uu billaaban doono 8-da habeenimo, waxa uuna taliyaha ka digay in dadka shacabka ah la dilo.