Muqtada al-Sadr oo cuntada ka soomay iyo Ciraaq oo gashay xaalad dagaal

Baghdad (Caasimada Online) – Wadaadka Shiicada ah ee Ciraaq, Muqtada al-Sadr ayaa ku dhowaaqay inuu cuntada ka soomay ilaa inta ay ka istaagayaan rabshadaha dibadbaxayaasha iyo adeegsiga hubka, waxaa sidaas ku warantay wakaaladda wararka Ciraaq ee INA. 

Go’aanka Muqtada al-Sadr ayaa yimid saacado kadib markii uu Isniintii shaaciyey inuu ka fariistay siyaasadda, taasi oo horseeday inay boqolaal ka mid ah taageerayaashiisa ay ku xoommaan xarunta golaha wasiirada ee Aagga Cagaaran ee Baghdad.

Iskudhacyo ayaa ka dhex qarxay taageerayaasha al-Sadr iyo kuwa kooxo ku xiran dowladda Iiraan. Booliska ayaa soo farogeliyey rabshadaha waxayna adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala eryaan.  

Rasaas xooggan ayaa laga maqlayey Aagga Cagaaran, waxaana ilo-wareedyo caafimaad ay u sheegeen wakaaladda wararka AFP in toogasho lagu dilay 12 ka mid ah taageerayaasha al-Sadr, ayada oo ay jiraan ugu yaraan 270 dhaawac ah.

Militariga Iraq ayaa ku dhowaaqay Bandow lagu soo rogay dalka oo idil oo billowday xalay 7:00pm, waxaana ra’iisul wasaare Mustafa al-Kadhimi uu hakiyey kulamadii golaha wasiirada.

Xiisadda Iraq ayaa salka ku haysa is-mari waa ka taagan dhismaha xukuumad cusub. 

Taageerayaasha Sadr, oo mar hoggaamiyey kacdoon maleeshiyo oo ka dhan ahaa ciidamada Mareykanka iyo Ciraaq, ayaa kasoo horjeeda ku dhowaaqista Mohammed al-Sudani, oo xisbi xiriir la leh Iran ay doonayaan inay ka dhigaan ra’iisul wasaare.

Xisbiga Moqtada Sadr ayaa helay kuraastii ugu badneyd ee doorashadii dhacday October, balse ma gaarin aqlabiyad ay kusoo dhisi karaan dowlad. Toban bilood kadib waxaa weli is-mari waa uu ka taagan yahay dhismaha xukuumad.

Sadr, oo muddo saameyn ku lahaa siyaasadda Ciraaq, ayaa haysta malaayiin taageeerayaal naftood hurayaal oo Shiico ah.

Taageerayaashiisa ayaa kasoo horjeeda musharaxnimada wasiir iyo barasaab hore, oo ay axsaabta ku xiran Iran u wadaan xilka ra’iisul wasaaraha.