Musharaxnimada DENI oo wiiqday rajadii musharaxiin dhowr ah – Yaa ka mid ah?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Saciid Deni ayaa sheegay in hadafkiisa ugu weyn ee musharaxnimo uu yahay sidii uu meesha uga saari lahaa madaxweyne Farmaajo, isagoo balan qaaday in musharax kasta uu hadafkaas uu garab istaagi doono.

“Waxaan halkaan baaq uga dirayaa dhamaan musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya, waa inay ku midoobaan in la bedelo madaxweynaha hadda jooga ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo,” ayuu yiri Deni.

Go’aanka Deni uu isku sharxay ayaa ruxay qaar ka mid ah ololaha musharaxiin madaxweyne oo ku sugan Muqdisho, kuwaasi oo kusoo biiritaanka Deni ee saaxada loolanka madaxweyne, ay uga dhigan tahay rajo beel. 

Musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa isugu jira laba koox: 

1- Koox leh saldhig siyaasadeed oo baaxad leh, lana taaban karo, kuwaasi oo xildhibaano badan ay ugu jireen baarlamankii dhacay, midka cusubna ay ugu soo biireen qaar ka mid ah kuwoodii hore iyo kuwa dheeri. Musharaxiinta kooxdaas hore ku jira ayaa kala ah; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud. 

Xoogga xildhibaanada Farmaajo waxay ka imanayaan Digil iyo Mirifle, beelaha Shanaad, qaar ka mid ah Reer Waqooyiga iyo in yar oo ka mid ah beesha Daarood, gaar ahaan beeshiisa.  

Xoogga xildhibaanada Xasan Sheekh waxay ka imanayaan HirShabeelle, Galmudug, qeyb ka mid ah Reer Waqooyiga, iyo tiro aad u kooban oo dhanka Jubaland iyo Puntland ah. 

2- Koox aan laheyn saldhig siyaasadeed iyo taageero xildhibaano oo la taaban karo, iskuna haleynayey inay codad ka helaan xildhibaanada aan raacsaneyn Farmaajo iyo Xasan Sheekh, si gaar ah xildhibaanada ka imanaya Puntland iyo Jubaland. Kooxdan waxaa ugu weyn Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre, iyo musharaxiin kale, oo aan sidaas u miisan cusleyn.  

Is-sharxidda Deni ayaa durba isbaaro u dhigatay musharaxiintii isku haleynayey inay codad ka helaan wixii kasoo hara taageerayaasha Farmaajo iyo Xasan Sheekh, si gaar ahna xildhibaanada laga soo doortay Jubaland iyo Puntland. 

Deni isaga ayaa soo saartay dhammaan xildhibaanada Puntland, halka kuwa Jubaland uu usoo saary Axmed Madoobe oo ay xulufo aad u dhow yihiin, taasi oo xaqiijineysaa in wareegga koowaad uu helo 60-70 cod, oo uu si fudud ugu gudbo wareegga xiga.

Ayada oo inta badan xildhibaanada kasoo haray Jubaland iyo Puntland ay kala qaadanayaan Farmaajo iyo Xasan Sheekh, waxaa adkaan doonto in musharaxiinta kale ay helaan wax ku dhow 40 illa 50 cod, taasi oo macanaheedu yahay inaanay u gudbi karin wareegga xiga.

Haddii doorashada madaxweynaha Soomaaliya ay Deni, Farmaajo iyo Xasan Sheekh noqdaan saddexda musharax ee u gudba wareegga labaad, ma noqon doonto wax yaab leh, marka la eego xisaabta iyo isbaheysiga siyaasadeed.

Musharaxnimada Deni waxay dhaawac weyn ku noqotay musharaxiin badan oo ay ugu weyn yihiin Shariif iyo Kheyre.