Musuq-maasuq waa jiraa, balse kaalinta ugu hooseysa kuma jirno caalamka (Caddeyn)

Ma dhahayo Soomaaliya musuqa nadiif ayeey ka tahay sida; New Zealand, Finland, Denmark iyo Sweden, lamana aqbali karo in Soomaaliya ay ka musuq maasuq badan Kenya, Nigeria, Angola, India, Bangladesh, Swaziland, Souht Sudan, Yeman, Afganistan iyo Ciraq.

Qof walba oo Soomaali ah waa inuu ogaado marka la yiraahdo Soomaaliya waa dalka ugu musuq maasuqa badan caalamka in waxyeelo weyn soo gaartay sumacadisa, balse maamulka meesha jooga markaas warbixintu si gooni ah uma taabato. Waxaa arkaysa dad ku faraxsan isuguna hambalyeenaya marka Soomaaliya lagu tilmaamo in musuq daashaday.

Hay’ada Warbixinteedu in aysan xaqiiqda ka turjumayn waxaa daliil u ah:

Sanadkii 2005 waxaa dalka madaxweyne ka ahaa Marxuum Cabdullahi Yusuf Axmed AUN.  Lix bilood oo ka mid ah sanadkaas dowladu waxay ku soo qaadatay dibad joog, waxaana saldhig u ahayd Kenya, lixdii bilood ee danbe waxaa dowladii u kala jabtay laba garab oo u kala hayaamay Jowhar iyo Muqdisho. Cabdullahi Yusuf iyo Ra’iisul Wasaare Geedi markii ay ku sugnaayeen Jowhar waxaa bixin jiray kharashaadka aadka u xadidan ee ku baxa howl maalmeedka dowladda ganacsade la yiraahdo Imaan Maxamed Cali. Dowladaas ma lahayn ciidan mushaar qaata, shaqaale xafiisyo ka shaqeeya, balse xildhibaanada joogay Jowhar waxaa ku adkayd inay maareeyaan nolol maalmeedkooda.  Waxaan xasuusta xaflad loo qabtay Safiirka Chine ee Kenya u fadhiya oo booqosha ku yimid Jowhar, inuu dowladda ugu deeqay 100,000 (Boqol kun oo dollar) bal qiyaas dhaqaale la’aanta jirtay intay le ekayd.

Xaaladii noocaas ahayd oo dalkaba dowlad ka shaqaynayn oo xildhibaano iyo wasiiro mooyee cidkale oo magacaaban aysan jirin, Haya’da daahrogida musuq maasuqu waxay Soomaaliya galisay no, 148. Waxaa naga hooseeyey in ka badan 11 wadan. Fadlan GUJI HALKAN u ogaato xaqiiqda.

Bal is weydii waxay ku cabireen 2005-tii oo ahayd sanadkii ugu horeeye oo magaceena lagu daro liiska Hay’ada Daahrogida Musuq maasuqa. Waxaa kale oo yaab lahaa in sanadkii 2006 oo dowlada labadeeda garab la mideeyey loona wada guuray Baydhabo, in Hay’adu aysan Soomaaliya ku soo darin liiska, GUJI HALKAN.

Laga soo bilaabo 2007-2019 Soomaaliya iyo North Korea waxay ku jireen kaalinta ugu hooseysa dhanka musuq maasuqa. North Korea maahan dal caalamku xariir la leeyahay ama si hufan warbixin looga soo diyaarin karo cid tagi kartana aysan jirin, qaabkee loo cabiray musuq maasuqa ka jiraa dalkaas, kaliya warbixinadaan ku aadan Soomaaliya iyo wadamada kale warbixin iska diyaarsan uunbaa gadaal looga daraa.

Sanadkii 2016-kii sida ay qortay Reuters dalka Kenya in ka badan sadex meelood oo meel miisaaniyada dalka ayaa la musuq maasuqay, waxaana sanadkaas Kenya kaga jirtay No. 145 waxaana iyada iyo Soomaaliya u dhaxeeyey 35 wadan. GUJI HALKAN si aad u akhriso warbixinta.

Ilaa bur burkii Soomaaliya waxaa loo bixiyey magacyo badan: Soomaaliya waxay dowlad la’aan tahay laga soo bilaabo 1991-kii, waa wadan fashilmay, Dowlad tabaryar, Dowlad kala qaybsan, Burcad badeed, Argagaxiso, iyo musuq maasuq. Dhamaan arimahaan oo badankooda ay ahaayeen gacan ku samays waa ujeedo laga leeyahay dalkaan inuusan talaabo horay u qaadin. Adiga Soomaaliga ah hadaad ku sii faraxsan tahay in nalagu tilmaamo wadanka caalamka ugu musuq maasuq badan xaalkeenu waa “Dal ba’ayoo yaa ku leh”

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.