Muuqaal: Siilaanyo iyo Cali Khaliif oo ku heshiiyey in Khaatumo lagu daro Somaliland

Hargeysa (Caasimadda Online) – Madaxweynayaasha  Somaliland iyo Khaatumo State Axmed Siilaanyo iyo Cali Khaliif Galeyr ayaa kala saxiixday heshiis lagu mideenayo labada Maamul.

Labada Madaxweyne oo shir jaraa’id si wadajir ah u qabtay ayaa kala saxiixday Heshiis Khatuumo State loogu darayo Somailand.

Labada Maamul ayaa bilooyinkii ugu dambeeyey waxaa u socday wadahadal kadib markii ay dhawr jeer isku dagaaleen deegaanada ay sheegatay inay Khaatumo State ka taliso.

Cali Khaliif Galeyr ayaa ahaa hoggaamiyaha muddoo u dagaalmayey inay Khaato State ka go’do deegaanada Somaliland, balse ugu dambeyn waxaa lagu qanciyey inuu maamulk Somaliland wax la qeybsado.

Haddaba halkaan hoose ka daawo heshiiska labada Madaxweyne dhex maray: