MUUSE BIIXIN: “Aniga iyo odayaal daalan oo balwadi ay dishay waan is deynay”

Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa daboolka ka qaaday in Wasiirada maamulkiisa uu ka ilaaliyay kuwa isticmaala balwada.

Biixi waxa uu sheegay in doorashadiisa kadib uu xooga saaray inaanu Xukuumadiisa kamid noqon kuwo uu sheegay inaysanba awoodin inay usoo shaqo tagaan xafiisyadooda.

“Anigu xukuumadeydu kama mid aha Wasiiro isticmaala balwada sida qaadka, waxaan qabaa in wasiir cunaa qaad aan laga heli doonin xukuumadeydu”

Muuse Biixi ayaa sheegay in inta badan xubnaha Wasiiradiisa ay yihiin dhalinyaro wax ku baratay deegaanada Somaliland,isla markaana aan qaadka iyo balwada qeybaheeda kale cunin.

Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Waxaan maqli jirey in wasiiradii hore inta badan lagu tilmaami jiray Odayaal da’ah oo daalan laakin aniga dadaal aan sameeyey ayaan golaheyga Wasiirada u badiyey dhalinyaro dalka”

Waxa uu intaa raaciyay “Dhalinyarada wax ku baratay dalka ayaa kordhiyay,laakin Odayaal iyo qurba joog weey ku jiraan waxaase ka badan dhalinyarada gaar ahaan kuwa aqoonta leh,hadii xilligihii hore da’ la sheegi jiray hadda waxaa nagula eedeeyaa maxay yihiin dhalinyaradaan”.

Muuse Biixi, waxa uu sheegay in mudada uu hayo xilka aysan xil ku kulmi doonin Siyaasiyiinta isticmaasha balwada, waxa uuna tilmaamay inay ka feejigan yihiin kuwa saaxiibka u ah qaadka.

Si kastaba ha ahaatee, Muuse Biixi ayaa hadalkan sheegay xilli uu ka qeyb galayey munaasabad ka dhacday magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com