Muuse Biixi oo banaanka soo dhigay kaalinta ay Qadar ku leedahay fashilinta Heshiiska Berbera & Imaaraadka oo weli qaati taagan

Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Qadar ay caqabad ku tahay dhammaan qorshayaasha maamulka ee dhanka Hormarineed.

Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muse Bixi Cabdi oo la hadlay warbaahinta caalamka ah ayaa sheegay in adduunka ay u muujinayaan inay la socdaan dhibta ay dowlada Qadar ku heyso Somaliland.

Waxa uu Mr Biixi sheegay In dowladda Qatar ay carqaladeynayso heshiiska maamulkiisa Somaliland kala dhexeeyay shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka iyo Ethiopia.

Waxa uu Hoggaamiye Biixi sheegay in qorshaha ugu weyn ee Qadar uu yahay in meesha laga saaro guud ahaan Heshiiska Seddex geesoodka ee u dhexeeya DP World, Somaliland iyo Ethiopia.

‘’Dowlada Qadar waxa ay dhaqaale iyo maskaxba ku bixineysaa sida loo laali lahaa Heshiiska Dekadda Berbera, waxaan adduunka u sheegeynaa in Qadar ay caqabad ku tahay Horumarka Somaliland’’

‘’Qadar waxa ay dhaqaale ku bixineysaa DFS si ay u fashiliso Heshiiska, haddii talaabada ceynkaasi ah adduunka u muuqan waayo waxaan qaadi doonaa tallaabo waliba oo lagu badbaadinaayo Heshiiska Berbera’’

Biixi ayaa sheegay in dowladda Qatar ay ka shaqeenayso sidii meesha looga saari lahaa Heshiiska maalgashi ay la saxiixdeen shirkadda DP world, waxa uuna cadeeyay in dowlada Imaaraadka talaabadaasi ka qaaday niyad jab xoogan.

‘’Qadar waxaan u sheegeynaa inay naga joojiso faragalinta ay ku heyso Heshiiska, faragalintooda waxa ay niyad jab iyo saameynba ku yeelatay Imaaraadka iyo Somaliland oo lahaa aasaaska Heshiiska’’

Sidoo kale, Biixi waxa uu tilmaamay inaysan jirin wax xiriir maalgashi ah oo maamulkiisa kala dhaxeeya dowladda Qatar marka loo eego Sacuudiga iyo Imaaradka oo xiriir dhow ah ay leeyihiin.

Biixi ayaa ugu baaqay Qatar inay joojiso faragalinta tooska ah ee kadhanka Heshiiska Shirkada DP World iyo maamulka, kaa oo ku qotoma Dekadda Berbera.

Geesta kale, Dowladda Qatar ayaan ilaa iyo hadda ka jawaab eedeynta kaga timid maamulka Somaliland oo xiligaan faragalin lixaad leh kala kulmeysa Qadar.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Caasimada@live.com