Muwaadin SOOMAALI ah oo lagu dilay K/Sudan (Maxaa ka socda halkaas?)

Jubba (Caaimada Online) Magaalada Juba ee caasimada Koonfurta Suudaan waxaa lagu dilay muwaadin Soomaali ah.

Sida uu u sheegaay Caasimada Online wariye degan magaalada Jubba, ninkan Soomaaliga ayaa ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan magaalada, waxaana dilay kooxo burcad ah, kuwaasoo dhacay wixiii hanti ahaa ee uu lahaa markii ay dileen.

“Xalay waxaa lagu dilay caasimada Juba ee Koonfurta Suudaan muwaadin Soomaaliyeed. waxaa lagu jabiyay dukaankiisa kadibna xabado lala dhacay, hantidii taalayna waa la boobay. Salaada duhur kadib ayaa marxuumka la aasay.” sidaas waxaa yiri wariye Cabdnuur Maxamed Axmed.

Si kastaba, waxaa maalintii labaad laga maqlayay israsaasayn caasimada Jubba maalin uun kaddib markii madaxweynaha dalkaas uu sheegay inay fashiliyeen afgembi.

Waxaa jiro warar sheegaya in hub culus lais weydaarsaday Talaadada maanta ah, ku dhawaad 26-qof ayaa ku dhimmatay xiisada ka taagan Juba.

Isgaarsiinta magaalada ayaa aad xun, waxaa shaqeeneynin taleefonka gacanta ee Mobale-ka waxaa xiran goobaha ganacisga.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com