Xog: Muxuu Boorsaani ku howlan yahay xil ka qaadista lagu sameeyay kadib?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Jimcaale ”Boorsaani” uu ku guda jiro diyaarinta iyo diiwaangalinta Hantida Qaranka Gobolka Banaadir.

Warar hoose ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka uu si gaara diiwaanka Hantida uga dhexsaaray Gaadiid iyo dhaqaale uu isaga ku hayay Xafiiskiisa.

Wararku waxa ay sheegayaan in Gaadiidka sida qarsoodiga ah looga dhexsaaray diiwaanka la geeyay Hooy ku yaalla agagaarka Garoonka kubada Cagta ee Koonis, halkaasi oo lagu keydinaayo Hantida Qaranka ee uu la baxaayo Boorsaani oo ka faa’iideysanaaya maalmaha u harsan.

Ilo ku dhow dhow Guddoomiyaha Gobolka ayaa sheegaya in Gaadiidka la daadgureysanaayo ay kamid yihiin kuwo dhawaan loogu tallo galay Booliska Gobolka, Kuwa yaryar ee raaxada, Gaadiidka shabaha Caasiga ee lagu qaado Shaqaalaha iyo Dhaqaale xoogan oo maalmihii lasoo dhaafay kusoo dhaceysay Xafiiska Boorsaani tan iyo markii la xayiray Akoonka Gobolka.

Howlaha ugu badan ayaa waxaa Boorsaani la wada shaqaale ay isku dhow yihiin kuwaa oo isaga uu geystay shaqada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo ayaa Safar ugu maqan dalka dibadiisa waxa uuna Guddoomiyihii hore kala wareegi doonaa Hanti qabyo ah.

Geesta kale, dhaqanka gurashada Hantida Qaranka ayaa caado u noqday Madaxda DFS ee xilalka laga qaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com