Muxuu Gaas ka yiri gabar lagu kufsaday deegaanada Puntland?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas, ayaa si adag uga hadlay Gabar saacadihii lasoo dhaafay lagu kufsaday oo ka dhacay degmada Goldogob ee gobolka Mudug.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay falkaasi waxa uuna tilmaamay in maamulka Puntland uu ciribtiri doono kuwa caadeystay kufsiga Gabdhaha.

Gaas ayaa tilmaamay inuu aad uga danqaday falkaasi, waxa uuna carab dhabay in Ciidamada amaanka ay si gaara isaga xilsaari doonaan ilaalinta sharafka dumarka Soomaaliyeed, waxa uuna arrin fool-xun ku sheegay ficilkaasi.

Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho, ayaa baahisay in Madaxweynaha maamulka uu ku goodiyay in talaabo sharci ah laga qaadi doono 5-ta ruux ee loo qabtay falkaasi, isagoo ciidamada amaanka ku amray inay muujiyaan dadaal lagu badbaadinaayo dumarka.

Waxaa uu Mr Gaas arrin lalayaabo ku sheegay in falka noocaasi ah kadib ay dhalinyaradaasi ku dhiiradaan inay duubaan muuqaal aad looga argagaxo.

Madaxweyne C/wali Gaas ayaa falkaasi kadib xiriir la sameeyay maamulka degmada Goldogob iyo Laamaha cadaalada Puntland isla markaana faray in dhalinyarada falkaasi loo qabtay la horkeeno Cadaalada, sida ay sheegtay KNN.

Gaas, ayaa sidoo kale Gabadha falkaasi lagula kacay iyo qoyskeeda u ballanqaaday inuu garab kasiin doono xalinta dhibkaasi, waxa uuna ugu laabqaboojiyay in dhalinyaradaasi la horgeyn doono Cadaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com