Muxuu Shariif Xasan ugu baaqay Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed

Baydhabo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh ayaa Xildhibaanada baarlamaanka maamulkiisa ka dalbaday inay meelmariyaan Golaha wasiirada uu dhisay.

Hogaamiyaha maamulka waxa uu Xildhibaanada u sheegay in Golaha wasiirada uu kusoo dhisay howlwanaagooda isla markaana la doonaayo in shuruud la’aan lagu ansixiyo.

Shariif Xasan waxa uu Xildhibaanada u sheegay inaysan eed ka keenin xukuumada cusub, isla markaana si dhaqsi ah u ansixiyaan wasiirada.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Golaha Wasiirada cusub waxa uu ugu baaqay ansixintooda kadib in shaqadooda ay si saxa u gutaan, waqtiyada shaqadana ay xaadir ku ahaadaan xafiisyadooda, si shacabka ay ugu adeegaan.

Shariif Xasan ayaa magacaabay Wasiiro ka kooban 24 Wasiir, 24 Wasiir Kuxigeen iyo 5 Wasiiru Dowle, tirada Wasiiradan ayaa ka dhigan 53 Wasiir.

Si kastaba ha ahaatee, Xubnaha wasiirada ee uu magacaabay Hogaamiyaha ayaa waxaa ku jira xubno ku cusub maamulka.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com