Muxuu Tarsan ka yiri ra’isul wasaaraha cusub ee uu Xasan soo magacaabayo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamuud Axmed Nuor Tarsan oo ah Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir oo ka hadlaayay dadaalka uu Madaxweyne Xassan Sheekh ugu jiro xulashada Ra’isul wasaaraha Cusub, ayaa waxa uu sheegay in Xasan looga baahan yahay ka fiirsashada shaqsiga uu xilkaasi u dooran doono.

Waxa uu sheegay in muhiimadu tahay in uu Madaxweyne Xasan la yimaado Ra’isul wasaare umadda Soomaaliyeed ka samata bixiya dhibaatooyinka daashaday sanadihii badnaa ee la soo dhaafay.

Tarsan ayaa waxa uu hadalkaani kusoo daabacay Barta uu Facebook ku leeyahay waxa uuna yiri isaga oo arrinkaasi ka hadlaaya”Waxaan Ilaahay ka rajeynayaa in uu Madaxweynaha waafajiyo shaqsi Ummadda Soomaaliyeed Maslaxad u ah, fuliyana dhaarta uu ku dhaaranaayo Ilaahay hortiisa iyo shacabka Soomaaliyeed”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri “Waxaan kale oo Ummadda Soomaaliyeed ka codsanayaa inay joojiyaan laab la kaca iyo caadifada oo marka qof la magacaabo ayaga oon hubsan qofka la magacaabey in uu wax qaban karo iyo in kale in ay xaflado isdabajoog ah la dhigo qarash badana ay ku bixiyaan, bal ha la sugo qofka inta uu waxqabadkiisa muujinaayo. marka uu muujiyo wax wanaagsan hala taageero hana loo dabaaldego”

Tarsan ayaa waxa uu sheegay in Madaxweyne Xasan looga baahan yahay inuu ka fogaado nin Jecleysiga, maadaama Wakhtigiisa uu uga harsan yahay hal sano iyo bar oo kaliya, waxa uuna ugu baaqay inuu la imaado shaqsi daacad ah oo aan laheyn Mabda qabiil.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com