Cali Geedi: Xasan Sh. dastuurka ayuu ka leexday isagaa sababay Khilaafka

Nairobi (Caasimada Online) Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa ka hadlay khilaafka ka dhex jira madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaarihiisa.

Cali Geedi oo la hadlay Idaacadda Maxaliga ee Kulmiye ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu ku tuntay dastuurka u yaalla dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha uu doonayo in uu qabto shaqada fulinta oo uusan shaqo ku lahayn isla markaana uu doonayo in uu qabto kursiga ugu sareeya iyo midka ugu hooseeya.

“Madaxweyne dhahaya ra’iisal wasaaraha is-casil annagu meel ay sharciga uga taallo ma aqaano, howshiisa waa in uu magacaabo ra’iisal wasaaraha, digreerto uu soo saaro ee ma ahan in uu shaqada ka qaado, dastuurkii ayuu ka leexday” ayuu yiri Cali Geedi.

Wuu sii hadlay “Annigu waxaan aamisanahay in uu lee yahay madaxweynaha khilaafka soo baxay, howsha fullinta madaxweynuhu ma qabto, baarlamaanka ma lahan, golasha shaci dajinta ma lahan, annigu waxan qabaa in ra’iisal wasaaraha loo daayo shaqadiisa”

Wuxuu sheegay in ay ka war qabaan in madaxweynaha iyo koox gaar ay doonayaan in hagaan masiirka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in ra’iisal wasaaraha uu dul qaad muujiyay muddada sannadka ee uu xafiiska joogay, wixii hadda ka dambeeyana uusan dul qaad jiri doonin.

Hadalka Cali Geedi ayaa soo baxay markii la sheegay in madaxweynaha uu ka codsaday ra’iisal wasaaraha in uu iscasilo balse uu diidday Saacid.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com