Nasteho Mohamed: Dil ayaa la iigu hanjabay sidaas darteed waan ka haray doorashada

Börlinga (Caasimada Online) – Nasteho Mohamed, oo 23 jir Somali-Swedish ah, ayaa ku caanbaxday geesinimadeeda Sweden, markii ay ka soo horjeesatay wax ay ugu yeertay “Dhaqanka qabiilka” iyo “cadaadiska haweenka” ee Swedishka asalkoodu yahay Soomaalida.

Nasteho waxa ay aad uga firfircoonayd xisbiga Centerpartiet, balse waxa ay habeen hore ku dhawaaqday in ay isaga baxday tartanka doorashada baarlamaanka, kadib markii loogu hanjabay in la dili doono, sida ay sheegtay.

Nasteho ayaa baraha bulshada ku qortay, “Ma noqon karo dhaqdhaqaaq siyaasadeed,” sida laga soo xigtay wargeyska Expressen.

Gabadhan dhalinyarada ah ayaa muran weyn ka dhex abuurtay dadka Swedish-ka ah ee asalkoodu Soomaaliga yahay kadib muuqaal ay Facebook-ga soo dhigtay sanadka 2020-ka, kaasoo ay ku tiri, “Haddii aad rabto inaad ku noolaato nidaamka qabiilka oo aad dumarka dulmiso, waxaad aadi kartaa Soomaaliya laakiin halkan maaha.”

Hadalkaas ayaa ka careysiiyey Soomaali badan oo u arkay gef ka dhan ah Soomaalida, waxaana qaarkood ay u arkeen mid dano siyaasadeed laga lahaa.

Gabadhan ayaa Sweden timid muddo haatan laga joogo 8 sano. Waxay u aragtaa in gobolka Börlinga ee ay ku nooshahay uu ka jiro qaab qabiil oo la mid ah kii dalkii ay kasoo tagtay ee Soomaaliya, iyadoo xustay in dulmiga lagu hayo haweenka Soomaaliyeed uu sidoo kale ka jiro Borlinge.

Hadalkaas waxay ka dhashay falcelin xooggan taageerayaasha dhexdooda. Qaar ayaa sheegay in ay ceebaynayso Soomaalida.

Xigasho: Somaliska