Natiijada doorashada Kenya oo maanta lagu dhawaaqayo

Nairobi (Caasimada Online) – Waqtiga ayaa ciriiri ku ah Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Xudduudaha ee Kenya (IEBC) oo laga sugayo ku dhawaaqista natiijada doorashada madaxtinimada. Berri ayay ugu eg tahay waqtiga kama dambeysta ah ee uu dastuurku u oggolaanayo shaacinta natiijada.

Doorashadu waxay qabsoontay 9-kii bishan Agoosto oo ku beegneyd Talaadadii la soo dhaafay.

Soo-jeedimo gudaha ah iyo kuwo heer caalami ah ayaa soo baxaya, kuwaas oo ku talinaya dulqaad iyo deggenaan in lagu sugo natiijada.

Natiijooyin hordhac ah oo uu soo saaray guddiga IEBC ayaa muujinaya in ay aad isugu dhow yihiin labada murashax madaxweyne ee kala ah madaxweyne ku-xigeenka xilka dhameysanaya William Ruto iyo raysul wasaarihii hore Raila Odinga.

Waxaa isa soo taraya rajada laga qabo in dhowaan la ogaan doono natiijada la wada sugayo ee doorashadii madaxtinnimo ee Kenya ee qabsoontay toddobaadkii hore, waxaana suuragal ah in Maanta gelinka dambe lagu dhawaaqo.

Miisaska loo isticmaalay in lagu xaqiijiyo natiijooyinka ayaa la nadiifiyay, waxaana xarunta codbixinta qaranka looga diyaar-garoobayaa in lagu dhawaaqo natiijada kama dambeysta ah.

Guddiga Doorashooyinka oo lagu dhaliilay inuu la raagay natiijada ayaa sheegay in uu si taxaddar leh u hubiyo natiijooyinka iyagoo u eegaya deegaan-doorashooyinka si ay uga fogaadaan soo noqoshada qaladaad horay u dhacay.

Sanadkii 2017, Maxkamadda ugu sarraysa Kenya ayaa laashay natiijooyinka doorashadii madaxweynaha ee la qabtay sanadkaas, iyadoo ku eedeysay guddiga IEBC inuu ku guul-darreystay inuu si wanaagsan u hubiyo natiijooyinka ka hor intii uusan ku dhawaaqin.

Shaacinta natiijada doorashada madaxweynaha ayay sida la filayo u badan tahay inuu guddigu maanta ku dhawaaqo.

Natiijooyinka hordhaca ah waxay muujinayaan in William Ruto uu tartanka ku hoggaaminayo tirooyin aan sidaas u badneyn.

Iyada oo lagu salaynayo tirada badan ee codadka la hubiyay ee laga helay deegaan-doorashooyinka waxaa la rajaynayaa in guddiga doorashadu uu hubiyo 50 deegaan-doorasho oo harsan ilaa maanta gelinka dambe.