Natiijadii ugu dambeysay doorashada dalka Kenya iyo musharaxa ku horreeya

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa weli socota tirinta codadka doorashadii madaxweyne ee Talaadadii ka dhacday dalka Kenya, ayada oo weli uusan jirin musharax si la taaban karo ugu hormaray natiijada.

Ayada oo qiyaastii 16 milyan oo Kenyan ah ay codeeyeen, ayaa waxaa hadda la tiriyey codadka in ka badan 10 milyan, oo macnaheedu yahay in ku dhowaad laba meelood saddex meel ay soo baxday natiijada.

Madaxweyne ku-xigeenka dalka William Ruto iyo siyaasiga rug cadaaga ah horeyna usoo noqday ra’iisul wasaare Raila Odinga ayaa labadaba midba mar qabanaya hoggaanka natiijada codadka. 

Arbacadii shalay waxaa inta badan hoggaanka hayey Ruto, hase yeeshee Raila ayaa xalay soo xoogeystay, oo dhowr mar codad la taaban karo hoggaanka ku qabtay. Natiijadii ugu dambeysay ayaa muujineysa inuu hadda horeeyo Raila oo Ruto ku hoggaaminaya codad ah 50.4% iyo 48.9%.

Si kastaba ayada oo ay harsan yihiin in la tiriyo in ka badan 6 milyan oo cod oo kale, waxa la kala horeeyana ay yihiin dhowr boqol oo kun kaliya, ayaa mar walba ay wax isbeddeli karaan. 

Haddii musharaxna uusan helin in ka badan 50% codadka, waxaa dhici doono wareeg doorasho oo kama dambeys oo kala bax ah, oo ay ku loolami doonaan Ruto iyo Odinga kaliya. Doorashadii Talaadadii ayaa waxaa ku jiray laba musharax oo kale oo aan haysan taageero badan. 

Guddiga doorashada Kenya ee loo soo gaabiyo IEBC ayaa laga doonayaa inay natiijada rasmiga ah ku dhowaaqaan ugu dambeyn 16-ka August.

Inta badan shacabka Kenya ayaa filaya in Ruto iyo Odinga midkii laga guuleystaba uusan natiijada aqbali doonin isaga oo aan ka loolamin, sababtoo ah Kenya kama dhici doorasho aan muran iyo loolan xigin tan iyo 2002.