Natiijooyinkii caawa ee Kulamada Uefa Champions League-ga.

Champions League – Group E

Juventus ayaa barbareheedii sedaxaad ee koobka Champions League la gashay kooxda tababrta daran ee FC Nordsjaelland ciyaar ay inteeda badan iska laheyd Old Lady oo dhacday garoonka Parken oo ku yaala caasimada dalka Denmark ee København, waxaana kooxda Talyaaniga qeybtii hore fursado qaali ah ka qasaariyey Giovinco, Nordsjaelland ayaana mar ku sigatay inay hugaanka qabtaan iyadoo Joshua John uu kubad ka helay Bonucci gadiishiisa balse goolhaye Buffon ayaa ka badbaadiyey, qeybtii horena waxaa lagu kala baxay 0-0.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad daqiiqadii 50aad ayaa waxaa laad xor ah Juve ka dhaliyey Mikkel Beckmann, isagoona si xirfadeysan shabaqa ugu hubsaday.

Juventus ayaa goolka barbaraha la timid ka dib markii uu u dhaliyey daqiiqadii 80aad Mirko Vučinić oo ciyaarta bedel kusoo galay, sidaas ayena Juve uga jirtaa kaalinta sedaxaad ee Guruubka E.

Shakhtar Donetsk ayaa guul darro 2-1 ah huwisay kooxda Chelsea Alex Teixeira ayaa daqiiqadii sedaxaad gool uga naxsaday kooxda difaacaneysa koobkaan, iyadoo Frank Lampard lagu bedelay Eden Hazard, Lampard ayaana u muuqanaayey inuu dhaawac soo gaaray, sidaas ayaana qeybtii hore lagu kala nastay.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ayaa waxaa Shakhtar hugaanka usii dheereeyey xidiga reer Brazil Fernandinho kasoo ka faa’iideystay qalad ay sameeyeen daafacyada Chelsea, isagoona caawinaad ka helay xidiga ay isku wadanka yihiin ee Luiz Adriano.

Fernandinho ayaa mar kale nasiib u yeelan karay inuu goolka dhaliyo Blues laakiin waa uu iska qasaariyey.

Waxaana Chelsea ciyaarta oo sii dhamaaneysa gool usoo celiyey Oscar balse ma uusan noqon mid ku filnaada, kooxda ka dhisan Ruushka ayaana sidaasi ku qabatay hugaanka Group E.

Champions League – Group F

Valencia ayaa 3-0 ku martay kooxda BATE Borisov Roberto Soldado ayaa ciyaarta oo qeybta hore sii idlaaneyso gool ku laad u dhaliyey kooxda martida aheyd iyadoo uu garsooruhu garwaaqsaday inuu Hurdi ku abaal mariyo Marko Simic oo u muuqday inuu qalad sax ah ku galay gudaha diilinta ganaaxa, waxaana lagu kala baxay iyadoo ay kooxda reer Spain hugaanka u heyso ciyaarta.

Roberto Soldado ayaa si fiican uga dhex muuqday qeybtii labaad isagoo dhaliyey goolkiisa labaad daqiiqadii 55aad ka dib markii baas fiican ka helay Jose Andrés Guardado, isla isaga ayaana dhaliyey goolka sedaxaad daqiiqadii 69aad ka dib markii uu fursad caaqiba leh ka helay Tino Costa.

Bayern München ayaa 1-0 ku dubatay kooxda Lille, iyadoo gool uga hor martay kooxda ka socota Faransiiska ee LOSC Lille Métropole taasoo ay marti loogu ahaa garoonkeeda Grand Stade Lille Métropole ee ku yaala Villeneuve d’Ascq waxaana gool ku laad hugaanka ugu dhiibay kooxda Reer Germany xidigeeda Thomas Müller daqiiqadii 20aad.

Kooxda Jarmalka ka dhisan ee Munich ayaana sidaasi ku gaartay guul cariiri ah.

Champions League – Group G

Spartak Moscow ayaa gurigeeda ku dubatay kooxda ka socota Portugal ee Benfica, ka dib markii ay ugu awood sheegatay 2-1, goolka hore waxaa kooxda martida ahaa u dhaliyey Rafael Carioca ka hor inta uusan nuc saac ka bareejeyn Rodrigo Lima Dos Santos.

Gool uu si qalad ah shabaqiisa ugu leexiyey Jardel Nivaldo Vieira ayaana hugaanka u xaqiijiyey kooxda ka dhisan caasimada Ruushka.

Barcelona ayaa si dirqi ah 2-1 Celtic uga adkaatay Barca ayaaba lagu qalqaliyey garoonkeeda waxaana daqiiqadii 18aad shabaqiisa gool ku leexiyey Javier Mascherano. Lionel Messi ayaana laba jeer ku sigtay inuu dhaliyo laad xor ah. Andrés Iniesta Luján ayaase nasiib u yeeshay inuu goolka usoo celiyo Barcelona ka dib markii uu dhamaadkii qeybtii hore baas ka helay Maestro Xavi Hernandez, sidaas ayaana lagu kala nastay.

Jordi Alba ayaana goolka guusha u dhaliyey Barcelona waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray.

Champions League – Group H

Galatasaray iyo CFR Cluj ayaa barbaro 1-1 ah isla dhaafi waayey.

Manchester United ayaa 3-2 gurigeeda ku dubatay kooxda Braga waxaana 20 daqiiqo isku baray Kabtanka kooxda Braga Alan Osório da Costa Silva ka dib markii uu laba gool uga naxsaday daqiiqadihii 2aad iyo 20aad, ka hor inta uusan shan daqiiqo United gool usoo celin Javier ‘Chicharito’ Hernandez oo baas fiican ka helay Shinji Kagawa.

Qeybtii labaad markii fooda la is daray Red Devils ayaa car car garoonka kusoo gashay waxaana ay sahashay inuu Jonny Evans Man Utd u dhaliyo goolka bareejada ka dib markii uu daqiiqadii 62aad ka faa’iideystay Kooner uu soo tuuray Van Persie.

Javier ‘Chicharito’ Hernandez ayaa neefta kasoo fujiyey taageerayaasha United ka dib markii uu daqiiqadii 75aad u dhaliyey goolkooda sedaxaad, ee u xaqiijiyey hugaanka ciyaarta, isagoona caawinaadaas ka helay Tom Cleverley. United ayaana sidaas ku gaartay guusheedii sedaxaad oo isku xigta ee Guruubkeeda.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.