Neymar: Oscar laba sano ka dib wuxuu noqon doonaa xidiga ugu fiican caalamka.

Weeraryahanka kooxda Santos iyo dalka Brazil Neymar ayaa u arka inuu Xidiga kooxda Chelsea Oscar noqon doona laacibka caalamka ugu wanaagsan, sida uu qoray wargeyska The Sunday People.

Xidiga reer Brazil ayaa arka sida wanaagsan ee uu Oscar uga soo dhex iftiimay qadka dhexe ee Stamford Bridge, wuxuuna u rajeeyey inuu sameeyo wax ka wanaagsan wixii uu Cristiano Ronaldo ka sameeyey Premier League.

Weeraryahanka Santos Neymar ayaa yiri: “Horyaalka Premier League waxaa ka ciyaara ciyaartoy badan oo tayo leh laakiin qofna ma gaarin weli heerkii Ronaldo.

“La Liga waxaad ku arkeysaa inay heystaan Messi, Ronaldo, Falcao, Iniesta iyo ciyaartoy kale oo fara badan.

Waa saaxiibkey laakiin uma hadlaayo saaxiibnimo ahaan marka aan dhahayo oscar wuxuu ku socdaa wado uu ku sameynaayo wax ka wanaagsan wixii uu Ronaldo samaayey.

“Wuxuu leeyahay awood farsamo wuuxuuna jeystaa wax aysan laheyn ciyaartoyda caalamku wuxuu dhalin karaa goolal qurux badan.

“Waa sidii Ronaldinho iyo Rivaldo, sixiroole ayaad u fishaa marka uu kubada heysto –  sidoo kale waa inaan ogaataa inuu si wanaagsan kula bilowday Chelsea weli wax ayaa kuu dhiman.

“Kulamo waa weyn ayuu ciyaaraa wuxuuna heystaa wax walba oo uu ku noqon karo ciyaaryahanka ugu wanaagsan caalamka labada sano ee soo aadan.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogdishu.