Nin baan iska dhigay si aan shaqo u helo, eedeyn kufsi baase i fashilisay!

Pili Xuseen waxay doonaysay in ay lacag ka samayso nooca macdanta ee Tanzanite ee dhifka iyo naadirka ah. Waxaa la sheegayaa in helitaankeeda ay kun jeer ka dhib badan tahay macdanta kale.

Balse dumarka loo ma ogala in ay ka shaqeeyaan goobaha laga soo saaro macdanta. Marka Pili Xuseen waxay u labisatay sidii ragga, waxayna muddo ku dhow 10 sanno iyada oo aan la ogaan inay dumar tahay la shaqenaysay ragga.

Pili waxay ka soo jeedaa reer aad u tira badan, aabaheedna waxa uu ahaa xoola dhaqato, wuxuuna lahaa beero waawayn. Wuxuu sidoo kale guursaday lix xaas, Pili-na waxay ahayd cunigii 38-aad ee uu dhalo.

” Aabahay waxa uu iila dhaqmi jiray sidii anigoo ah wiil, waxaana la i raacin jiray xoolaha- ma jeclaysan noloshaas” ayey tiri Pili.

Balse guurkeeda ayaa xitaa ahaa mid aanay ku farxin, markii ay jirtay 31 sano, waxay ka baxsatay oo ay ka carartay saygeeda oo ahaa mid dhibaateyn jiray.

Iyadoo shaqo raadis ah, ayaa waxa ay ka dhacday magaalo yar oo la yiraahdo Mererani oo ku taalla meel ku dhow buurta Afrika ugu dheer ee Kilimanjaro, halkaas oo ah goobta keliya ee nooca macdanta dhifka iyo naadirka ah laga soo saaro dunida.

Xooladhaqato qabiilka Masaayda ah ayaa markii ugu horreysay heshay macdanta tanzanite sanaddii 1967Lahaanshaha sawirka AFP: Xooladhaqato qabiilka Masaayda ah ayaa markii ugu horreysay heshay macdanta tanzanite sanaddii 1967

“Iskuulka ma aadi jirin, sidaas darteed camal aan ahayn inaan shaqeysto ma garanyn”, ayay tiri Pili.

“Haweenka looma oggolo inay goobaha macdanta ka shaqeeyaan. Marka si geesinimo leh ayaan u galay anigoo iska dhigayo inaan ahay nin. Saraawiil dhaadheer ayaan xiran jiray”, ayay tiri.

Waxaa la iigu yeeri jiray Adeer Xuseen oo dadka qaar ayaa ila aiyo manata iigu yeera

Si ay u dhameystirto isbedlka ay sameysay, waxay sidoo kale badeshay magaceeda.

” Waxaa la iigu yeeri jiray Adeer Xuseen. Qofna lama wadaagin in magacayga dhabta ah uu yahay Pili. Xitaa manta dadka wali waxay iigu yeeraan Adeer Xuseen.”

Pili waxay godadka macdanta ka sahqeyn jirtay muddo 10-12 saacdood maalin kasta.

” Mararka qaar waxaan gali jiray dhul hoostiisa ilaa iyo 600 oo mitir anigoo raadinayo macdan. Waxaan qodistan u sameyn jiray si ka firfircoon ragga qaar”

” Muddo sanad ah ka dib si weyn ayay macdan qodista uga macaashtay ka dib markii ay heshay laba dhagax oo waaweyn oo ah macdanta nooca loo yaqaanno tanzanites. Lacagtii ay ka heshay waxay uga dhistay guri aabaheed, hooyadeed iyo gabar ay mataano ahaayeen.

Waxay sidoo kale lacagtaasi ku gadatay qalab, waxayna billowday inay shaqaaleysiiso macdan qodayaal.

Waxaa soo martay xaalad aan caadi ahayn oo horseeday in la ogaado in Pili ay tahay qof haween ah oo aysan nin ahayn.

Haweenay ayaa booliska u gudbisay dacwad ah in qaar ka mid ah ragga ka shaqeeya goobaha macdanta ay kufsadeen. Pili oo lagu tuhmay inay ku lug lahayd kufsigaasi ayaa la soo qabtay.

“Boolisku markii uu yimid ayaa raggii gabadha kufsaday waxay isku raaceen inaan ahay ninka gabadha kufsaday’. Dabadeedna waxaa la ii sii qaaday xarunta booliska”, ayay tiri Pili.

Miners in the Mererani mine

Waan ka taajiray balse ma fududa in dumarka ay sameeyaan wixii aniga aan sameeyay.

Waxay ku khasbanayd inay sirteeda daaha ka rogto si ay uga bari noqoto eedyamaha loo soo jeediyay.

Waxay booliska weeydiisatay inay keenan haweenay baaritaan dhinaca jirka ah ku sameyso si loo xaqiijiyo inay dhab ahanatii iyadu waxba kufsan karin. Wax yar ka dib waa la sii daayay. Balse raggii kala shaqeynayay goobta macdan qodista ayaa aamini waayay arrintani.

Pili Hussein

” Dhab ahaantii kama aysan rumeysanin booliska inaan ahay qof dumar ah. Ma ahan arrin fudud inay aqbalaan ilaa iyo sanaddii 2001 markaasi oo aan guurssaday oon yagleelay qoys.”

Pili waxay sameysatay xirfad guuleysatay, maantana waxay leedahay shirkad u gaar ah oo macdanta ka shaqeyso oo 70 shaqaale ah ay ka howlgalaan.

Seddax ka mid ah shaqaaleheeda waa dumar, laakiin waa cunto kariyayaal, mana ka shaqeeyaan macdan qodidda.

Pili waxay sheegeysaa in inkastoo dumar badan ay ka shaqeeyaan arrimaha macdanta marka loo eego xilligii ay ayada ku biirtay, in hadana ay aad u yaryihiin kuwa macdan qodayaasha ah.

“Qaar dumarka ah waxay dhaqaan dhagxaanta, qaar waa dullaaliin, kuwana waa cunto kariyayaal”

Pili Hussein pictured with a piece of tanzanite

Waxay intaas ku dartay “Laakiin dumarka ma aadaan godadka macdanta, Ma fududa in dumarka ay sameeyaan wixii aniga aan sameeyay.”

Guusha Pili waxay u suuragelisay in ay waxbarasho ka bixiso in ka badan 30 carruur oo ay waalid u tahay. Laakiin waxay tilmaantay in gabdheeda aysan ku dhiiragelineyn in ay raacdo raadkeeda

“Waan ku fraxsanahay wixii aan sameeyay, taajir ayaan ku noqday, balse way igu adkeyd aniga,” ayey tiri.

“Waxaan doonayaa inaan xaqiijiyo in gabadheyda ay waxbarato, ay cilmi yeelato, ayna nolosheeda u maareyso si ka duwan oo aad uga fog wixii aniga aan u soo joogay.

Xigasho BBC Somalia

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET