Nin dil ka geystay Puntland oo laga soo qabtay Yemen

Garoowe (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya ee dalka Yemen Cabdullaahi Xaashi Shuuriye ayaa xalay Puntland ku wareejiyey nin ku eedeysan dilka marxuum Dirir Cabdi Gufuri oo ahaa ganasade ku noolaa magaalada Qardho ee maamulkaasi.

Shuuriye ayaa xalay saqdii dhexe garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ka soo dajiyey eedeysanahan oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullahi, kadib markii uu guuleystay inuu ka soo qabto, isagoo baxsad ah gudaha dalka Yemen.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa eedeysanaha kala wareegay safiirka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen: wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Axmed Kunle, guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), taliyaha Booliska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud iyo sarakiil kale.

Dilka ganacsadahaasi ayaa dhacay 20-tankii bishii July ee sanadkan, iyadoo tan iyo markaasi la baadi goobayey eedeysanaha.

Puntland ayaa ugu dambeyn uga mahadcelisay tallaabada uu qaaday Danjiraha Soomaaliya ee Yemen Mudane Cabdullaahi Xaashi Shuuriye.

Dhanka kale safiirka ayaa waday in ka badan 30 qof oo Qaxooti Soomaaliyeed ah oo ka soo laabtay dalka Yemen.

Qaxootigan oo ku dhibaateysnaa gudaha Yemen ayaa safaaradda Soomaaliya waxay u fududeysay in ay dib ugu soo noqdaan dalka kadib muddo ay halkaasi ku xayirnaayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com