Nin hubeysan oo weerar ka geystay BAARDHEERE oo isna toogasho lagu dilay

Baardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa ku warramaya in maanta nin hubeysan uu weerar ka geystay degmada Baardheere, kaas oo markii dambe isna toogasho lagu dilay, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha amaanka.

Ninka hubeysan oo la sheegay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada nabad sugida iyo qof shacab ah oo la socday, waxaana askariga soo gaaray dhaawac fudud, sida aan xogta ku helnay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in askariga uu iska caabin sameeyey, isla-markaana ay sababtay rasaasta uu furay inuu ku geeriyooday ninkii hubeysnaa ee Shabaabka ahaa.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamoka tirsan kuwa ammaanka oo dhaawac askariga kasoo qaaday goobta, isla-markaana sameeyeey baaritaano dheeraad ah.

Saraakiisha Baardheere oo la hadlay warbaahinta ayaa amaanay askariga ka hortegey weerarkaasi, isla-markaana dilay ninka weerarka kusoo qaaday, waxayna shaaciyeen in tani ay qayb ka tahay feejignaanta ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgal halkaasi.

Baardheere ayaa ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo, waxaana inta badan ka dhaca dilal qorsheysan iyo weeraro ay ka fuliso kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan gobolka Gedo.

Si kastaba, dhacdadaan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo maalmihii u dambeeyey ciidamada Xoogga Dalka ay xoojiyeen howlgallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolkaasi.