Sawiro: Ninka ugu fool xun Zimbabwe: Wejigeyga ayaa iga dhigay Special.

Qofkii ugu dambeeyay ee ku guuleystay tartanka fool xumada dalka Zimbabwe, ayaa damaciisu yahay inuu noqdo qof caan ah oo lacag heysta, hase yeeshee illaa iyo hadda wax suuq ah ma helin.

William Masvinu oo 38 jir ah oo ku guuleystay qeybta labaad ee tartanka oo loo qabtay bishii tagtay ayaa shaqadiisu tahay xamaalinimo isaga oo qaada alaabta culus ee magaalada laga dukaameysto ee Mbare oo ku taalla galbeedka magaalada caasimada ah ee Harare.

“Waxa aan rajeynayay inaan sameeyo xayeysiimaha iyo dhinaca dharka fashion-ka ah haddii la i weydiisto, hase yeeshee weli waxaan ahay faqiir, waxaana xamaalaa alaabta dukaamada” ayuu yiri Masvinu

“Waxaan diyaar u ahay inaan dunida tuso hadiyadda aan heysto, inaad fool xumaato ma ahan wax xun waa haddiyada illaah I siiyay, waana ku faraxsanahay, wejigeyga ayaa iga dhigay qof gaar ah (special), wax cudur daar ahna uma raadinayo taas”.

Masvinu ayaa kaga badiyay tartanka afar nin oo kale si uu ugu guuleysto haddiyada la bixinayay oo ahayd boqol dollar iyo hal habeen oo jiif hotel ah.