Norway oo sharci siineysa 1600 oo qof oo Soomaali ah

Oslo (Caasimadda Online) – Ku dhawaad 1600, oo qof oo Somali ah oo horey sharciga degenaanshaha dalka Norway looga xayiray, ayaa dhawaan loo ogolaaday in la siinayo sharciga ay dalkaasi ku joogi karaan.

Dadkaan ayaa horay u dalbaday in ay helaan sharciga u ogolaanaya in ay kamid noqdaan muwaadiniinta dalkaas, isla markaana ay helaan xuquuq, maadaama ay u diiwaangashan yihiin qaxooti ahaan.

War ka soo baxay wasaaradda Caddaladda ee dalka Norway, ayaa lagu sheegay in dadlkaasi oo badankoodu mudo dheer sharciga sugayey, loogu ogolaaday siyaabo kala duwan oo la xidhiirta xaaladaha bani’aadannimo.

Dadkan ayaa la sheegay inay badankood dalka Norway soo galeen intii u dhaxeysay sanadihii 2012 illaa 2016.

Xildhibaan Baashe Muuse oo katirsan Golaha Deegaanka Oslo oo la hadlay VOA-da in uu dadaal badan ku bixiyay sidii loo baajin lahaa dadkaan oo Dowladda Norway mar qorsheysay in ay dib ugu soo celiso Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa waxaa soo dhaweeyay Somali badan oo dalka Norway ku sugan, kuwaasi oo muddo sugaayay inay helaan sharci.

Norway ayaa ka mid dalalka sida wayn u adkeeyay bixinta Sharciga dalkaasi, waxaana sidoo kale jiray in Somali kala duwan laga qaatay sharciga dalkaasi oo lagala noqday.

Hoos ka dhageyso wareysiga xildhibaan Baashe