Odayaasha Ceyr oo ka digay dagaal laga cabsi qabo in lagu qaado xarunta Inji

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Odayaasha Beesha Cayr/Habargidir ayaa ka digay in lagu dagaalamo magaalada Dhuusomareeb, oo ay isku hayaan dowladda dhexe iyo ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Hadalkooda ayaa imanaya ayada oo ciidamada dowladda ee ku sugan Dhuusomareeb la sheegay inay wadaan qorshe ay Ahlu-Sunna uga saarayaan Dhuusomareeb.

Ciidamadaas ayaa xalay si buuxda ula wareegay dhammaan ilaha dhaqaalaha ee magaalada.

Odayaasha oo shalay ku shiray Dhuusomareeb ayaa sheegay in amniga Galmudug uu yahay mid lama taabtaan ah, oo aan gorgortan geli karin.

Waxay ka digeen in la weeraro xarunta Inji oo ay degan yihiin madaxda Ahlu-Sunna, islamarkaana laga saaro magaaladii ay usoo dagaalameen, waxayna ku baaqeen in saamigooda laga siiyo Galmudug.

“Waxaan uga digeynaa dhallinyarada in ay hubkooda u adeegsadaan dad aan ahayn kuwii loogu talo-galay in lagula dagaalo,” ayey yiraahdeen qaar ka mid ah odayaashii kulanka ka hadlay.

Odayaasha ayaa sidoo kale ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay raali-gelin buuxda ka bixiso odayaashii Guriceel lagu celiyey xilli ay u socdeen Dhuusomareeb.

Hoos ka daawo muuqaalka odayaasha.