Magaalo aan la fileynin oo loo doortay inay noqoto caasimadda K/GALBEED

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay, ayaa sheegaya in Odayaasha dhaqanka ee ku shirsan magaalada Baydhaba kuna howlan dhismaha maamulka Koonfur Galbeed ay isku raaceen in xarunta maamulkaasi ay noqoto Magaalada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Odayaasha ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay in Baraawe ay noqoneyso Caasimada maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia, iyagoona Hoolka shirka ka shaaciyay in Xarumaha ugu weyn maamulka halkaasi loo rari doono.

Sidoo kale, Hoolka shirka ayaa waxaa isla maanta lagu soo bandhigay Calanka lagu aqoonsan doono Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ay soo bandhigeen calan la mid ah midkii ay horay u sameysteen maamulka Lixda gobal ee uu hogaamiyo Madoobe Nuunoow Maxamed.

Odayaasha ku howlan dhismaha maamulka Koonfur Galbeed waxay sidoo kale, meel mariyeen Dastuurka maamulkaasi uu yeelanayo.

Dhanka kale, Siyaasiyiinta ku howlan dhismaha Maamulka, ayaa daaha ka rogay in Shirka uu maraayo heer gabogabo, waxa ayna sheegen in xilliyada nagu soo aadan sidoo kale magaalada Baydhaba ay ka dhici doonto doorashada hogaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com