Olole cusub oo ka dhan ah doorashada Galmudug oo ka socda GAALKACYO

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka bilowday olole xoogan oo liddi ku ah hannaanka geedi-socodka Doorashooyinka Baarlamaanka iyo midda Madaxtooyada Galmudug, ee ka socota Magaalada Dhuusamareeb.

Iyadoo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre uu Magaalada Dhuusamareeb ka wado kulamo lagu dardar-gelinayo dhismaha maamulka cusub ayaa waxaa si lama fillaan ahayd u mucaaraday Madaxweynaha maamulka uu waqtigiisa sii dhammaanayo ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Madaxweynaha oo Khamiistii gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa bayaan uu habeen hore soo saaray waxaa uu ku sheegay inuu dib ugala soo laabtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya wakiilashadii uu u wakiishay inay soo dhisto maamulka cusub.

Madaxweynaha Galmudug oo muddooyinkii ugu dambeysay uu heshiis is faham ah kala dhaxeeyay Dowladda Federaalka ayaa u muuqdo mid gebi ahaanba saluugsan dhabaha ay Guddiga Farsamada u marayaan dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Madaxweynaha ayaa Golaha Wasiirada Galmudug iyo hawlwadeenadaba ku wargeliyay inay dib uga hawlgalaan xarumahooda, laga bilaabo 15-ka bishan January.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Odayaasha Dhaqanka ee beelaha Galmudug iyo saamileyda siyaasadda inay ka soo qaybgalaan 25-ka bishan shir looga hadlayo aayaha Galmudug iyo sidii talo mideysan loogu soo dhisi lahaa Galmudug bad-qabta.

Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa Magaalada Gaalkacyo ka wada kulamo uu dadka kaga tashi gelinayo shirka uu doonayo in uu ka qabsoomo Magaalada Gaalkacyo toddobaadyada soo socda.

Dowladda Federaalka Somaliya oo garowsan in hadalka Madaxweyne Xaaf uu caqabad ku noqon karo dardar-gelinta dhismaha Galmudug loo dhan yahay ayaan wax war ah ka soo saarin dhaqdhaqaaqa uu ka bilaabay Magaalada Gaalkacyo, inkastoo ay soo baxayan warar sheegaya in dowladdu qorsheynayso, sidii ay u fashilin laheyd shirka uu ku baaqay Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), Madaxweynaha Galmudug. Warar kaloo aan la xaqiijina waxay sheegayan in dowladdu ay wada hadalo la bilowday Madaxweynaha Galmudug.

Dhanka kale dadka reer Galmudug ayaa aad u hadalhaya hadalka ka soo yeeray Madaxweyne Xaaf iyo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed, ee uu hormuudka ka yahay, kana socda Xarunta Gobolka Mudug ee Magaalada Gaalkacyo.

Doorashada Galmudug ayaa waxaa hareeyay khilaaf xoogan oo aad arki karto, sida uu dib u dhac ugu keeni karo dadaalada uu ujeedkoodu yahay in lagu soo dhiso maamul cusub, oo dadka reer Galmudug ay leeyihiin.

Si kastaba ha-ahaatee khilaafka hareeyay doorashada Galmudug ayaa noqday mid soo ifbaxa, markasta oo mid laga gudbo.