ONLF oo taageertay madaxweynaha cusub ee DDSI fariin culusna u dirtay

Muqdisho(Caasimada Online)- Jabhadda ONLF ee ka dagaalanta dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa jimcihii maanta ku dhawaaqday inay si buuxda u taageerayaan madaxweynaha cusub ee DDSI Mustafa Maxamed Cumar oo xisbiga talada haaya iyo odayaasha deegaanka u doorteen madaxweynaha xukumi doona ilaa 2020-ka.

Qoraal Jabhada soo dhigtay barteeda Twitterka ayaa lagu sheegay inay taageerayaan isla markaana waxay u direen fariin ay kaga dalbanayeen isbadal cusub oo ka duwan midkii madaxweynihii hore Cabdi Illey ka duwan.

Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Illey ayaa lagu eedeeyn jiray inuu geystay xad-gudubyo ka dhan ah bini’aadanimada, sida xarig sharci daro ah, hanti la wareegid, boob iyo dilal siyaasadeysan.

Jabhadda ONLF ayaa ugu baaqday xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Axmed inaysan wax faragelin ah ku sameynin arrimaha DDSI, islamarkaana ay kaalin wax dhiseysa ka qaadato arrimaha gaarka iyo mida guud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com