Oomaar: Ujeedka Axmed Madoobe hal sano ma’aha ee waa afar sano oo kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) ayaa isaga oo ka hadlay xaaladda guud ee Jubbaland si adag uga horyimid muddo kororsiga Axmed Madoobe.

Oomaar oo u warramay Shabelle TV ayaa ku eedeeyey Axmed Madoobe inuu doonayo in iska heysto Jubbaland, isla-markaana uu soo laa-laabto 4 sano kasta kadib.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ujeedka Axmed Madoobe uusan aheyn hal sanno ee uu doonayo afar sano oo kale, si uu usii hoggaamiyo dowlad goboleedka Jubbaland.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in muddo kororsigaan uu keenaayo in markale ay is qabtaan dowladda federaalka iyo Jubbaland, sida uu ku dooday wasiir hore Oomaar.

“Hal sano ma’aha ujeedadiisa, kadib 4 sano oo kale, kadibna madaxweyne Xasan Sheekh iyo isaga inay is qabtaan, Xasan Sheekh sidaa ku tego afar sano oo kale haddane soo laabto sidii foormaladii horey ugu daganeyd oo dhowr jeer u shaqeysay,” ayuu yiri Oomaar.

Wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa sheegay in ka siyaasiyiin ahaan ay doonayaan in Jubaland ay la mid noqoto Puntland, laguna tartamo hoggaankeeda.

“Kaliya waxaa wax lagu noqon karaa heshiis iyo in wax la’isla lahaado hal qof oo meel heysto xero u oodan tahay wuxuu raboo uu ka sameysanaayo ma noqon karo dowlad, waxaan rabnaa dowlad hana qaata, sida Puntland oo kale,” ayuu sii raaciyey Oomaar.

Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya, ayada oo dhowaan Golaha Wakiiladsa Jubbaland ay muddada u kordhiyeen Axmed Madoobe, ayaga oo muddo xileedka ka dhigay 5 sanno.