Oscar oo ninka ay isku wadanka yihiin Neymar ku qalqaalinaya inuu kula biiro Chelsea.

Xidiga qadka dhexe ee kooxda Chelsea Oscar ayaa sameynaya wax walba oo uu kooxdiisa kaga taageeri karo sidii ay ku heli lahaayeen xidiga kooxda Santos Neymar, wuxuuna ugu baaqayaa inuu iska indha tiro hadalada Dani Alves ee uu usoo dhaqaaqo Stamford Bridge.

Alves ayaa doonaya inuu Neymar ka dhaadhiciyo inuu kusoo biiro Barcelona, halka Real Madrid ay sidoo kale heegan u tahay 20 jirkaan heerka caalami ee dalka Brazil.

Oscar ayey wada ciyaarayeen Neymar ciyaarihii Olimbikada ee London 2012, wuxuuna rajo ka qabaa inuu sanado soo aadan kula soo biiro Blues.

Neymar ayaa yiri: “Oscar ayaa fariin iisoo diray si uu iigu sheego inay Chelsea tahay koox weyn London ay tahay Caasimad weyn.

“Isaga iyo Dani labadooduba waxay dulaaliin wanaagsan u yihiin kooxahooda. Markii la gaaro waqtiga saxda ah ayaan dhegeysan doonaa dalabka saxda ah taasna waxay u taalaa wakiilkeyga.

“Waa wax fudud in Barcelona ay ku xiiseyso waadna dhegeysaneysaa, hadii ay Real Madrid ku xiiseyneyso waad dhegeysaneysaa, hadii ay Chelsea ku xiiseyneyso sidoo kale waad dhegesaneysaa.

“Waxaa jira sida aan filaayo shan koox oo caalamka ka dhisan oo sidoo kale aad ogtahay inay u muuqdaan kuwo sidoo kale la dhegeysto dalabyadooda.”