Addis-Ababa (Caasimada Online) - Gobena Hola oo ah odeydhaqmeedkii safarka ku tagay Somaliland bilowgii sanadkaan ee yiri erayadii caanka noqday ee "Lafti Nagaa", ayaa waxa uu sheegay in geerida wiilkiisa oo ka tirsanaa jabhadda OLA ee Oromada uu ka ogaaday baraha bulshada. Todobaad ka hor ayaa wiilka uu dhalay odey dhaqmeedkaan oo ka tirsanaa Jabhadda, ayaa maamulka goblka Oromadu waxay...
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir gaar ah ku casuumay dhammaan madaxda maamul goboleedyada dalka iyo duqa magaalada Muqdisho, shirkaas oo hadda baaqday, islamarkaana aan la ogeyn xilliga uu dhacayo. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in casuumadda shirka ay timid kadib markii madaxweynaha uu ka war helay caro sii kordheysa oo ka dhex jirta madax goboleedyada,...
Muqdisho (Caasimada Online) - Magaalada Muqdisho waxaa mar kale soo rogaal celiyay kooxaha ciyaal weerada ee dhibaatada ku haaya shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir, kuwaas oo bilaabay falal ay ku qalqal-gelinayaan amniga, kuna dhibaateynayaan shacabka. Wararka ayaa sheegaya in kooxahan ay dib uga soo cusboonaadeen xaafadaha qaar, waxayna bilaabeyn weeraro ay ku qaadaan dadka rayidka ah. Falkii ugu dambeeyay oo sababay...
Xarardheere (Caasimada Online) - Waxaa maanta lasoo bandhigay xogta ceel ay xabaalo ka dhigteen kooxda Al-Shabaab, kadib markii dhawaan lagu laayey dagaal ka dhacay duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Dhowr ceel biyood oo dadka reer Miyiga ah iyo xoolahooda ay cabi jireen oo lagu magacaabo Ceel-deegaan ayuu ka dhacay dagaalkaas, waxaana lagu laayey oo jabka ugu culus lagu gaarsiiyey...
Muqdisho (Caasimada Online) - Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulan gaar ah kula qaatay magaalada Muqdisho, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UNSOS Ms. Aisa Kirabo Kacyira. Wasiirka ayaa uga warbixiyay Kaaliyaha horumarka baaxadda leh ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen, difaaca iyo dib u xoreynta dalka. Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga ayaa qiray in ciidamada...
Ankara (Caasiamda Online) - Wasiirrada arrimaha dibadda ee dowladaha Masar iyo Turkiga ayaa ku shiray magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kadibna waxay ka wadahadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha xasaasiga ah ee wadamada Soomaaliya, Suudaan iyo Libya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Sameh Shoukry oo uu weheliyo dhiggiisa Turkiga Hakan Fidan ayaa warbaahinta la hadlay, iyagoo faahfaahiyey waxyaabihii ay ku...
Dad Soomaali ah, oo Yurub qaxooti ku ah, oo degan guryo dowladdeed oo ay dowlad ajinabi ah ka bixiso kiro, koranto, caafimaad iyo cunto ayaa waxey internet-ka la fadhiyan dad danyar ah, oo sidooda oo kale aan kiro awooddin, iney dhahaan xoog halooga saaro meesha ay ku hoydaan. Dadkaas maxay dareemi lahaayeen hadii muwaadiniinta iyo siyaasiyiinta dalalka ay qaxootiga ku...
Hargeysa (Caasimada Online) - Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay bayaan kasoo baxay dalalka ugu hodansan caalamka ee la isku yiraahdo G7, kaasi oo ku aadanaa xiisadda ka dhalatay is-afgaradkii Addis Ababa ee Somaliland iyo Itoobiya. Somaliland ayaa ka carootay in loogu yeero "gobol ka tirsan Soomaaliya," sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland. "Xukuumadda iyo...
Muqdisho (Caasimada Online) - Wafdi culus oo ka socda urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Wafdigan oo ka kooban xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka urur-goboleedka EAC ayaa waxaa xafiiskiisa ku qaabilay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre. Ra'iisul Wasaaraha ayaa xubnahan uga mahad-celiyey dowladaha Bariga Afrika ee ku midaysan ururkan doorkii ay ka qaateen...
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan dalka dibaddiisa u direysa saraakiil iyo kormeerayaal ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed. Saraakiishan ayaa dalka dibadiisa u aadaya aqoon kororsi ku aadan sara u qaadida xirfadaha booliska, ayada oo maanta Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin uu xaflad sagootin ah ugu sameeyayay xarunta taliska. Saraakiisha iyo kormeerayaashan ayaa u...
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta wareegto madaxweyne ku soo saaray cayimaadda muddada qabsoomidda doorashooyinka, kadib xal laga gaaray khilaafka doorashooyinka Somaliland. Shalay ayey aheyd markii guddiga doorashooyinka Somaliland ay ku dhawaaqeen xilliga la qabanayo doorashada guud ee maamulka, taasi oo ay muddo dheer isku hayeen xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi. Doorashada madaxweynaha iyo...
Garoowe (Caasimada Online) - Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo mar kale hadal siiyay warbaahinta ayaa ka hadlay dood ka dhalatay weerar afka ah oo uu dhowaan ku qaaday Sheekh Umal iyo Sheekh Cali Wajiis. Wasiirka oo ka hadlayay xiisadda siyaasadeed ee kala dhexeyso dowladda dhexe ayaa ku eedeeyay labada Sheekh inay la safteen xukuumadda Muqdisho, sida...
Boosaaso (Caasimada Online) - Kooxda Daacish, faraceeda Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa faah-faahin ka bixisay dagaallo ay bishii Ramadaan ay Al-Shabaab kula gashay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari ee maamulka Puntland. Daacish ayaa shaaca ka qaaday in dagaalyahannadeeda ay weeraro culus ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, ayna ka dileen in ka badan illaa 50 xubnood. Qoraal lagu...
Addis-Ababa (Caasimada Online) - Itoobiya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay fulinta is-afagaradkii ay la gashay Somaliland, islamarkaana carada dowladda federaalka ee arrintan ku aadan ay tahay wax aan dhaafsiisneyn dib u dhaca ku-meel gaar ah. Hadalkan ayaa waxaa sheegay Abdulaziz Ahmed Adem, oo ah la-taliyaha sare ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka (NISS), sidoo kalena la-taliye u ah Wasaaradda...
Soddon sano ayaa laga joogaa markuu marxuum Cabdiramaan Axmed Cali (Tuur) yimid Muqdisho kuna baaqay in hab federaal uu yahay kan Soomaaliya dib loogu soo dhisi karo burburkii dowladdii dhexe kaddib. Tuur wuxuu la dhashay marxuum Maxamuud Axmed Cali oo ahaa aabbaha waxbarashada Soomaalida gaar ahaan gobollada Waqooyi. Xilligaas suurtaggal ma ahayn in hab federaal uu Soomaaliya uga hirgalo...
Beledweyne (Caasimada Online) - Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in xalay dhacdo argagax leh ay ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, taas oo ay dadka deegaanka si wayn uga argagaxeen. Dhacdada ayaa timid, kadib markii wiil kamid ah dadka deegaanka uu si arxan darro ah u dilay walaalkiis ka yar, taas oo ka...
Muqdisho (Caasimada Online) - Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah guda gashay dhageysiga dacwadda culus ee loo heysto Sayid-Cali Macallin Daa’uud oo horay Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ugu xukuntay dil toogasho ah. Ninkaan ayaa lagu helay kiis ah inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray dab uu sababtiisa lahaa. Waxaa hoolka maxkamadda ku...
Gaza (Caasimada Online) - Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 9 qof oo 6 ka mid ah ay carruur ahaayeen lagu dilay duqeyn ay ciidamada Israel ku bartilmaameedsadeen guri ku yaalla degmada Rafah ee Marinka Gaza. Duqeyntan oo qeyb ka ah weerarka ay Israil ku heyso magaalada go’doonsan ee Gaza muddo 7 bilood ah, ayay saraakiisha caafimaadka isbitaalka al-Najjar...
Mogadishu (Caasimada Online) - Türkiye hopes to conduct a deep-sea oil drilling operation off the Somali coast in 2025, the country's energy minister said on Friday. This development comes shortly after the two nations agreed to extend their cooperation by signing an oil and natural gas cooperation deal last month. This development marks a significant milestone in strengthening ties...
Muqdisho (Caasimada Online) -Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa berri oo Axad ah bilaabeysa dhageysiga dacwad loo heysto Sayid-Cali Macalin Daa'uud oo Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku xukuntay dil toogasho ah. Ninkaan ayaa lagu helay kiis ah inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray dab uu sababtiisa lahaa. Warqad ka soo baxday maxkamadda racfaanka gobolka ayaa Taliyaha...

Dowladda Xasan Sheekh oo wajaheysa fadeexad weyn iyo tallaabo la gudboon

Muqdisho (Caasimada Online) – Muranada dhulalka iyo madaxweyne Xasan Sheekh waxay noqdeen kuwo aan la kala reebi karin marwalba oo uu xafiiska joogo madaxweynaha...