Paris St Germain oo 100 milyan ku dooneysa Cristiano Ronaldo iyo Jose Mourinho.

Kooxda qaniga ah ee reer France Paris St Germain ayaa qorsheyneysa inay dalab u dirto weeraryahanka Real Madrid iyo tababarahooda: Cristiano Ronaldo iyo Jose Mourinho.

Wararka ayaa soo jeedinaayey in xidigii hore ee Manchester United uu ka hayaami karo caasimada Spain ka dib markii uu waayadii dhowaa ku murgoonaayey sababo ay u badan tahay qandaraaskiisu.

Wararka Qandaraaska la xariira ayaa lasoo sheegaayey in la xaliyey iyadoo ay u muuqato mid howl badan u baahan in mushaark Ronaldo bishii la gaarsiiyo 14.5 milyan oo ginni.

Iyadoo ay xal u raadineyso kooxda reer Spain, PSG ayaa dooneysa inay la wareegto kabtanka xulka Portugal, sida uu werinaayo wargeyska La Gazzetta Dello Sport ee kasoo baxa dalkaTalyaaniga.

Warbaahinta Spain ayaa si dhaqso ah usoo jeedinaaueu inuu 27 jirkaani ka socdo Bernabeu, halka ayba soo socoto in qandaraaska loo dheereeyo laakiin sidoo kale waxaa soo ifbaxaaya caqabado hor istaagi kara ayey daabacayaan.

Ronaldo ayaase mar ku sheegay Bogiisa Facebook inuusan arinku aheyn mid dhaqaale uuna weli kusii nagaanayo Bernabeu, laakiin weli ma uusan saxiixin heshiis cusub.

PSG ayaana meeshaas fursad ka heshay iyadoo dooneysa inay Spain ka wadaan xidiga heerka caalami ee dalka Portugal.

Kooxda Ligue 1 ayaa si fiican uga dhex muuqatay wayadii u dambeysay suuqa kala iibsiga iyadoo u muuqatay mid ka dheereysa kooxaha iyana boorsa weynta ah sida Manchester City iyo Chelsea.

Waxay 25 milyan oo ginni Napoli kaga soo qaateen Ezequiel Lavezzi iyo Zlatan Ibrahimovic oo qiima lagu sheegay 15.7  milyan oo ginni ay kala soo wareegeen AC Milan xagaaga.

Laakiin arinka ayaa soo ifbixi lahaa hada bilowga ah wuxuuna qabaa wargeyska Talyaanigu in tababaraha iyo Xidigaba la doonayo.

W/Q: Ahmed Jaanoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.