PSG oo beenisay wararka xanta ah ee sheegaya inay 100 milyan ku iibsaneyso Ronaldo.

Madaxweynaha kooxda Paris Saint-Germain Nasser Al-Khelaifi ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka xanta ah ee la xiriirinaaya inay soo iibsanayaan ciyaaryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo.

Wargeyska kasoo baxa dalka Talyaaniga ee La Gazzetta dello Sport ayaa horaantii isbuucaan qoray in kooxda ka dhisan Caasimada France ay 100 milyan oo euro ku dooneyso ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal, laakiin Al-Khelaifi ayaa si cad u sheegay inaysan waxba ka jirin warbixintaas.

“Cristiano Ronaldo waa ciyaaryahan weyn, balse wuxuu qandaraas kula jiraa Real Madrid. Kalama aan hadlin wax quseeya qof Madrid ku sugan,” ayuu madaxweynaha PSG u sheegay AFP.

Les Parisiens ayaa lala xiriirinaayey ciyaaryahankii hore ee Manchester United ka dib markii uu 27 jirkaani  horaantii xilli ciyaareedka sheegay inuusan ku farax saneyn nolosha Madrid, laakiin Al-Khelaifi ayaa ku nuuxnuuxsaday inaysan xiiso u qabin ciyaaryahanka.

Ronaldo ayaa wuxuu kooxdiisa Los Blancos kula jiraa qandaraas ku eg ilaa 2015ka.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.