Puntland: Beesha Xasan Sheekh [Hawiye] ayaa xilalkii ugu muhiimsanaa qaadatay

Garoowe (Caasimada Online) – Senator Maxamed Cali Yusuf Gaagaab oo ka tirsan Aqalka Sare, kuna metala Puntland, ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowlad-goboleedka Puntland.

Senator Gaagaab ayaa sheegay in dowladda Xasan Sheekh ay xilalkii ugu muhiimsanaa ku tixday beesha uu ka soo jeedo madaxweynaha [Hawiye], taasi oo uu ku tilmaamay inay qeyb ka tahay qanacsanaan la’aanta kasoo yeertay madaxda Puntland.

“Waxaa weli saluugsannahay oo jira kala doorashada boosaska dadka loo magacaabo, waxaa xaqiiqo ah xukuumadda Xasan madaxda u yahay magacaabista ay sameeyeen marka beel beel iyo dowlad goboleed loo eego, intii u fiicneyd meel ayey ku dhacday oo meesha uu kasoo jeedo Xasan ayey intaas qeyb ahaan ku raacday,” ayuu yiri Senator Gaagaab.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Wasiirro xoogan waa leenahay sida Wasiirka Arrimaha Dibedda oo kale, laakiin midda ka hadlayo waa dhinaca dhaqaalaha iyo meelaha wax kasoo bixi karaan oo laga yaabo in shaqo laga heli karo oo loo sinaan karo.”

Senator Gaagaab ayaa xusay in xiisada siyaasadeed ee dowladda federaalka iyo Puntland ay ku qotomto in si cadaalad ah aan loo qeybin xilalka muhiimka ah ee dowladda, waana qeyb kamid ah qanacsanaan la’aanta maamulku tabanayo, sida uu hadalka u dhigay.

Maamulka Puntland ayaa hore u sheegay in aysan ku qanacsanayn sida ay Madaxtooyada Soomaaliya wax u waddo, isla markaana ku dhaliilay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh “wada-shaqayn la’aan”.