Puntland oo B/Caalamka iyo DF u gudbisay hanjabaad ka dhan ah Somaliland

Garoowe (Caasimadda Online) – Dowlad Goboleedka Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay dagaalkii saakay ka dhacay deegaanka Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag, kaasi oo u dhexeeyay Ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Taliska Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamo ka tirsan Somaliland ay weerar kusoo qaadeen deegaanka kadhada, hayeeshee ay weerar iska difaaceen Ciidanka Puntland ee halkaas ku sugnaa.

Sidoo kale Puntland waxaa ay sheegtay inay ku filan tahay difaacida dhulkeeda, waxaana loogu baaqay Shacabka inay ka qeyb qaataan difaaca dhulkooda.

Puntland ayaa sheegtay in dagaalkii ka dhacay deegaanka Hadaaftimo ay Somaliland uga qabsadeen gaadiid dagaal, hub iyo 50 qof oo Maxaabiis ah.

Maamulka Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka u sheegtay in aysan Puntland Mas’uul ka noqon doonin wixii ka dhasha duulaan ay sheegeen in lagu soo qaaday dhulkooda.

Dhanka kale War qoraal ah oo ka soo baxay milatariga Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in saaka abaaro 6:30 subaximo ay Puntland dagaal ka bilowday deegaanka Kadhada oo 18 KM u jira magaalada Yube oo hoostagta gobolkaasi.

Somaliland waxay sidoo kale warkaan ku sheegtay in dagaalkaasi ay guullo ka soo hoyeen ciidankeeda, islamarkaana ay ku qabsadeen hub iyo gaadiid dagaal intaba.

“Saaka abaaro 6:30 subaximo , waxay ciidamada puntland isku day dagaal ka bilaabeen degaanka kadhada oo 18 km u jira yube , halkaana waxaa isku haleelay ilaalada hore ciidanka qaranka iyo dagaal oogayaasha ciidanka Puntland, halkaas oo ciidanka qaranku dhirbaaxo lama ilawaana ku dhuftay kana soo hooyeen guulo iyagoo ka qabsaday hub iyo gadiid intaba ayaa lagu yiri” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska ciidamada Soomaaliland.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Puntland