Puntland oo gashay hesiis aysan DFS ogeyn kuna fasaxday kheraadkii dalka

Garoowe (Caasimada Online) – Heshiis dhex maray Maamulka Puntland iyo Dowladda Yeman ayaa dhigaya in Kalluumeysatada Yeman in ay ka jilaabeystaan xeebaha maamulkaasi hoos yimaada, ee dalka Soomaaliya.

Heshiiskaan ayaa waxaa dhinaca Puntland u saxiixay wasiirka kalluumeysiga Puntland, Xasan Maxamuud oo safar ku jooga dalka Yemen, isagoo sheegay inuu heshiiskan yahay mid qayb ka ah iskaashiga Puntland iyo Yemen.

Dowladda Yeman ayaa waxaa heshiiskaan u saxiixay Wasiirka kalluumeysiga waxaana markii saxiixu uu dhacay ay labada wasiir sheegeen in heshiiskan uu qayb ka yahay iskaashiga dhinaca kalluumsiga ee labada  dhinac.

Dowladda Dhexe ee Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaan wax war ah ka hayn, iyadoo aan la ogeyn in heshiiskaan uu ku koobnaan doono mid kaluumeysatada Yeman ku ekaan doonaan xeebaha Puntland hoos yimaada iyo in kale.

Tallaabada Puntland ayaa ah mid sharci darro ah, ayada oo kheyraadkii dalka u fasaxday dad ajnabi, xilli markii horeba ay kalluumeysatada Soomaalida ka cabanayeen kalluunka oo sii yaraanaya.

Puntland waxa ay iminka u dhaqmeysaa inay tahay dal ka madax banana Soomaaliya, oo wixii uu doono si gooni ah u sameysan kara

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com