PUNTLAND oo isku diyaarineysa dagaal ka dhan ah Somaliland

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya deegaanada maamulka Puntland ayaa la sheegayaa in lagu arkaayo ciidamo aad u farabadan kuwaasi oo lagu daadiyay dhowr deegaan oo ku dhow dhow gobolka Sanaag.

Wararku waxa ay sheegayaan in ciidamadaasi ay Puntland geysay deegaanadaasi ay ka feejigan yihiin cod bixin ay Somaliland ka sameyso deegaanada gobolka Sanaag.

Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo ah Wasiirka Wasaaradda amniga maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamada maamulka Soomaaliland ay soo gaareen gobolka Sanaag oo ay keeneen sanduuqa isdiiwaan gelinta Doorashooyinka.

Wasiirka waxa uu sheegay in Puntland aysan u dulqaadan doonin in Somaliland ay halkaasi ka sameyso codeyn, waxa uuna sheegay in arrinta noocaasi ah ay tahay mid khalad ah oo aan indhaha laga daawan karin.

Cabdi Xirsi Cali Qarjab waxa uu intaa hadalkiisa raaciyay in Puntland ay adkeysay amaankeeda islamarkaana ay diyaar u tahay inay iska celiso Somaliland oo uu sheegay inay ka dheereyneyso guuxeeda.

Dhanka kale, deegaanada lagu daadiyay ciidamada Puntland ayaa waxaa kamid ah dhammaan deegaanada ku xeeran gobolada Sool iyo Sanaag, iyadoo Puntland ay sheegtay in ay heegan buuxa gelisay ciidamadeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com