Puntland oo ka laabatay go’aankii ay ku mamnuucday iibinta manhajka + Sababta

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Shirkada qaabilsan daabacaada manhajka Waxbarashada Dugsiyada Puntland.

Madaxweynaha ayaa kulankaan warbixin ku saabsan Manhajka Puntland kaga dhageystay wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare, ayada oo fallanqeyn dheer kadib dib u eegis lagu sameeyay qiimaha buugaagta iyo sidii culeyska looga yareyn lahaa waalidka.

Waxaa la isla qaatay in dib loo fasaxo iibinta buugaagta manhajka waxbarashada dugsiyada sare ee Puntland, islamarkaana in qiimaha buugta dugsiga sare laga dhigo saddex dollar.

Hoos ka aqriso go’aamada kasoo baxay kulanka oo dhameystiran;

1. In qiimihii ahaa $5 Dollar oo Madbacadaha midoobey ee Puntland ay ku qoreen Buuggaagta Manhajka Puntland, uu ahaa mid macquul ah markii la eegay Kharashkii ku baxay qorista, daabacaada iyo ka shaqeynta. Maadaama Dowladdu aysan haysan cid ka caawisa shaqadaa.

2. Waxaa la go’aamiyey iyada oo la eegayo duruufaha lagu jiro awgood in qiimaha buugta Dugsiyada sare laga dhigo $3 Dollar.

3. Dowladda Puntland waxa ay qaaday inay bixiso $2 Dollar oo u dhiganta $1,000,000 hal Milyan oo Dollar, iyada oo waalidiinta Puntland laga dulqaadaayo culayska saarnaa ee ku aadana qiimaha buuggaagta.

4. Waxaa maanta dib loo fasaxay iibinta Buuggaagta manhajka Waxbarashada Dugsiyada sare ee Puntland.

“Sidaa darteed kharashka $5 doollar ee daabacada Buugta waxaa loo qeybiyay labo meelood, $2 oo u dhiganta $1Million Dowladda ayaa bixinaysa, $3 waxaa lagu iibinaya buugaagta manhajka,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri.

Si kastaba, kulankaan ayaa imanaya labo maalin kadib markii uu madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni joojiyay iibinta Manhajka dugsiyada dowlad goboleedkaas, kaasi oo cabasho xoogan ka keeneen waalidiinta dhalay Ardeyda.