PUNTLAND oo khariidad u gaar ah samaysanaysa

Garoowe (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimoquraadiyada Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo khudbad ka jeedinayey Munaasadda daah-furka Qorshe howleedka Guddiga kumeel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa ka warbixiyey waxqabadkii wasaaradiisa mudadii ay jirtay.

Xafladda oo uu kasooo qeybgalay Madaxweyne Puntland Saciid Deni ayuu Wasiirka kusoo bandhigay qorshe ay wasaaradiisa ku dooneyso in soohdimo cusub loogu sameeyo xuduudaha degmooyinka Maamulka Puntland.

Wasiirka ayaa arrintaas ku tilmaamay inay tiir muhiim ah u tahay hirgelinta nidaamka Xisbiyada badan ee Puntland iyo doorashooyinka qof iyo cod ee la filayo in maamulkaas laga hirgeliyo.

Wasiir Maxamed ayaa xusay in Wasaaraddu diyaarinayso Daraasad ku saabsan Hannaanka kala xadeynta degmooyinka Puntland, waxaana uu xusay in hawshaasi loo xil-saaray Sharci-yaqaan ku xeel-dheer Arrimaha Xuduudaha, si qaab cilmiyaysan loo maro Nidaamka kala Xadeynta degmooyinka oo door muhiim ah ka qaadanaya in doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo Puntland.

Wasiirka ayaa Madaxweyne Deni ku wargeliyey inay wasaaradiisa shaqaaleysiisay sharci yaqaano aqoon u leh xadeynta Degmooyinka, wuxuuna sababta arrintaan loo sameenayo ku macneeyey inay tahay in degmooyin cusub ay kusoo biireen deegaanada Puntland tan iyo burburkii Dowladdii Maxamed Siyaad Barre ayna lagama maarmaan tahay in xuduudo loo sameeyo degmooyinka cusub iyo kuwii hore u jiri jiray.

Mudane Dhabancad, ayaa sidoo kale tilmaamay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ay diyaarinayso Khariida ama Map aan ahayn Khariidadda Soomaaliya, balse sida uu sheegay u gaar ah dowladda Puntland, si loo jaan-gooyo goobaha Cod-bixinta degmooyinka.

Mar uu faahfaahin ku bixinayey khriiradda cusub ee Puntland sameysaneyso ayuu sheegay inay kasoo muuqan doonaan 50 degmo ee Puntland ay ka kooban tahay maadaama uu ku dooday in khariidadaha hadda sameysan aysan arrintaas ku jirin sida uu hadalka u dhigay.