Puntland oo ku hanjabtay inay tallaabo ka qaadi doonto shirka gobollada dhexe ee CADAADO !!!

Garoowe (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada maamulka Puntland oo maanta isugu yimid shirkoodii todobaadlaha ahaa ayaa ka hadlay shirka lagu dhisayo maamulka gobollada dhexe ee magaalada Cadaado ka socda.

Golaha Wasiirrada Puntland ayaa shirkaas ku tilmaamay mid wax ay ugu yeereen dastuurka baal marsan, waxayna ku hanjabeen inuu horseedi doona dagaal iyo colaad sokeeye oo kasoo cusboonaata gobollada dhexe.

 

“Haddii shirkaasi uu sii hayo waddada uu kusii socdo, Puntland waxa ay qaadi doontaa tallaabo” ayay lagu yiri.

Ergooyinka Cadaado ku shirsan ayaa shalay ansixiyey dastuurka maamulkaasi ku shaqeyn doono, kaasoo dhigaya in xuduudda waqooyi ee maalmulka gobollada dhexe ku eg tahay gobolka Nugaal.

 

Halkan ka aqri warsaxaafadeedka wasiirada Puntland

put1put2