Puntland oo ku siqday Galmudug iyo madaafiic lagu garaacay xaafadda…

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dagaal xoogan ayaa waxa uu weli ka socdaa duleedka magaalada Gaalkacyo, kaasi oo u dhexeeya Ciidamada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka ayaa ka socda meel 8km ka baxsan magaalada waxaana weli la maqlayaa rasaas xoogan.

Ciidamada Puntland ayaa la sheegayaa inay ku siqeen dhanka Galmudug, waxaana la soo warinayaa inay jiraan khasaaro badan.

Xaafadaha ugu badan ee lagu garaacayo Hubka culus ayaa waxaa kamid ah Xaafada Garsoor oo ku dhawaad 6 madfac ay kusoo dhaceen.

Puntland ayaa goordhow ciidamo dheeri ah geysay furumaha dagaalka,waxaana suuragal ah dagaalka uu xoogeysto.

Xaalada ayaa ah mid kacsan waxaana mar waliba laga cabsi qabaa in dagaalka uu noqdo mid joogta ah.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com