Puntland & Somaliland oo qarka u saaran iney markale dagaalamaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaya xiisada dagaal ee u dhaxeysa ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland ee ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Sool.

Xiisada ayaa ka dambeysay kadib markii shalay gelibkii dambe ciidamada maamulka Somaliland iyo gudiga doorashooyinka ay tageen deegaanada xiisada ka taagan tahay, si sanaadiiqda cod bixinta Somaliland loo geeyo deegaanada bariga Somaliland.

Waxaa la sheegay ciidanka Soomaaliland ee ku sugan deegaanka Qori-lugud in heegan buuxa la geliayay kadib markii halkaasi laga dareemay dhaq dhaqaaq oo ay wadaan ciidanka Puntland.

Waxaa sidoo kale la sheegay dadka ku nool deegaanka Wir-wir in gabi ahaanba ay ka soo horjeesteen sanaadiiqda codbixinta Guddiga Diiwaangelinta doorashooyinka Soomaaliland ay keeneen deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in xiisadan ay tahay midii ugu sareysay ee maalmahan ka taagan deegaanada Gobolka Sool.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com