Putin oo shaaciyey in Reer Galbeedka ay DAGAAL ku iclaamiyeen sidaa darteedna…

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in cunaqabateena ay Reer Galbeedka saareen Ruushka ay ka dhigan tahay inay dagaal ku iclaamiyeen dalkiisa.

Putin ayaa sidoo kale Reer Galbeedka uga digay in aag duulimaadyada ka caagan oo laga hirgeliyo Ukraine ay cawaaqib musiibo ah u horseedi doonto dunida.

Waxa uu mar kale ku celiyey in ujeedadiisa ay tahay inuu difaaco bulshada ku hadasha luuqadda Ruushka ee Ukraine iyo inuu sameeyo “hub ka dhigis iyo baabi’inta Naaziyiinta” Ukraine, si dalkaasi horey uga midka ahaa Midowga Soviet uu u noqdo mid dhex-dhexaad ah oo aan halis ku ahey Ruushka. 

Ukraine iyo dalalka Reer Galbeedka ayaa arrimah ku gacan seeray inay yihiin kuwa aan sal laheyn oo qiil looga dhigtay duulaankii billowday 24-kii Febraayo, waxayna kusoo rogeen Ruushka cunaqabateeno xanuujiyey. 

“Cunabqateenadan lasoo rogay, waxay la mid yihiin dagaal la iclaamiyey, balse Ilaah ayaa ku mahadsan inaysan sidaas dhicin,” ayuu yiri Putin oo ka hadlayey xarun lagu tababaro duuliyayaasha diyaaradaha oo ku taalla Moscow.

Waxa uu sheegay in isku day kasta oo dal kale uu kusoo rogo aag ka caagan duulimaadyada oo Ukraine ah ay Russia u arki doono inuu kusoo biiray dagaalka. 

“Tallaabo noocan ah waxay dunida ku yeelan doontaa cawaaqib musiibo ah,” ayuu yiri. 

Xulufada NATO ayaa horey u diiday codsiga Kyiv ee ahaa in aag ka caagan duulimaadyada ay ka hirgeliso Ukraine, ayada oo sheegtay in tani ay kasii dari karto xaaladda, islamarkaana horseedi karto dagaal ka dhex-qarxa Mareykanka iyo Russia.

Mar wax laga weydiiyey in Ruushiyaan lasoo qasbay ay ka qeyb-galayaan dagaalka, Putin waxa uu sheegay in taasi aanay jirin, islamarkaana howlgalka militari uu ku socdo sidii loo qorsheeyey.

“Ma jirto shacab lasoo qasbay, ma lihin qorshahaas, ciidankeena ayaa fulinaya shaqada, taasi shaki iigama jiro. Wax kasta waxay u socdaan sidii loo qorsheeyey.”

Putin wuxuu sidoo kale meesha ka saaray walaaca laga qabay inuu xeer militari ama xaalad deg deg ah kusoo rogo Ruushka, isaga oo sheegay in tallaabadaas la qaadayo kaliya haddii halis gudaha ama dibedda ah ay wajaheyso Russia.