PUTIN oo war xasaasi ah ka soo saaray dagaalka Ukraine

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta wacad ku maray inaanu joojin doonin duulaankiisa Ukraine, inkasta oo dhinacyada dagaalamaya ay yeesheen wada-hadallo xabad-joojin ah. 

Kadib markii magaaladii ugu horeysay oo weyn oo ka tirsan Ukraine ay ku dhacday gacanta ciidamada Ruushka, Putin wuxuu u muuqdaa inaanu dan ka laheyn inuu maqlo dalabka caalamka ee ah inuu dagaalka soo afjaro. 

“Russia waxay damacsan tahay inay sii waddo dagaalka ka dhanka ah kooxaha mintidiinta hubeysan ee Ukraine,” ayuu yiri Putin, sida lagu sheegay war kasoo baxay Kremlin-ka oo ku saabsan wada-hadal uu taleefonka kula yeeshay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Dhinaca kale, wada-xaajoodayaasha labada dhinac ayaa mar kale yimid goob aan la cayimin oo ku taalla xuduudda Belarus iyo Poland.

Wareeggii koowaad ee wada-hadallada oo dhacay Isniintii ayaan laga sameyn wax horumar ah, waxaana Kyiv ay sheegtay inaysan aqbali doonin in Ruushka “ay waqti u qabtaan.”

Si kastaba, Putin ayaa sheegay in isku day kasta oo lagu daahinayo hanaanka wada-hadalalda “uu hoggaamin doono kaliya dalabyo kale oo ka yimaada Kyiv.” 

Dhinaciisana, Macron ayaa sheegay inuu ka cabsi qabo “in xaaladda dagaalka ay sii xumaato,” wuxuuna cambaareeyey beenta Putin, sida laga soo xigtay kaaliyihiisa.

Duulaanka oo maanta galay maalintii sideedaad ayaa abuuray qulqul qaxooti ah, wuxuuna Ruushka ka dhigay mid laga eryey saaxadda caalamka ee maaliyadda, diblomaasiyadda iyo cayaaraha.

QM ayaa furtay baaritaan ku saabsan dambiyo dagaal, ayada oo militariga Ruushka ay duqeynayaan magaalooyin ka tirsan Ukraine oo ay ku garaacayaan hoobiyeyaal iyo gantaallo, kuna qasbaya shacabka inay guryaha hoostooda galaan.